Dayowga Ka Haysta Somalida, Dhaqanka,Siyaasadda Iyo Juqurafiga

0
Thursday August 15, 2019 - 09:34:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dayowga Ka Haysta Somalida, Dhaqanka,Siyaasadda Iyo Juqurafiga

    Somalidu gaar ahaan in badan oo reer Somaliland ahi,waxay isku khaldaan Siyaasadda iyo dhaqanka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalidu gaar ahaan in badan oo reer Somaliland ahi,waxay isku khaldaan Siyaasadda iyo dhaqanka,
waxa kaloo ay isku khaldaan dhulka iyo Diplomasiyadda,waa sababta ay warbaahinta iyo dadka baraha bulshada ku fir fircoon(Activist) ay u buun buuniyaan,haddii ay arkaan qof siyaasi reer Somaliland ah iyo mid Somalia ah oo Diyaarad guudkeed ku kulmay,ama isku salaamay meel ka durugsan dhulka Somalidu degto,sababta waa Siyaasadda iyo dhaqanka oo iskaga qasmay,Haddii ay Somalia iyo Somaliland Siyaasadda ku kala tageen dhaqankii iyo diintii kumay kala tagin,waa la kala Guursan karaa,waa la isa salamayaa,waxbaa la wada cunayaa,waa la saaxiibayaa,iyadoo aan laga tanaasulin oo la kala yahay laba dal,


Xagga siyaasadda,markay noqoto wada hadal Somalia iyo Somaliland,maaha dhuumasho,ee waa goob caddaan ah oo la wada arkayo,caalamkuna markhaati ka yahay,ee maaha laba qof ayaa meel isku salaamay,masiirka umadduna intaas wuu ka culusyahay,meel ay dastuurka kaga qorantahay maan arag qofka Somaliga ah yaan la salaamin,lakin Khiyaamo qaran distorka waa laga helayaa,sidaas darteed ha la kala saaro Siyaasadda iyo dhaqanka.


Haddii qof ama dad Somali ahi ay kuugu yimaaddaan halka aad joogto,ama marti kuugu yimaaddaan waa khasab inaad marti geliso,haddii ay salaam kuula yimaaddan ama booqasho,waad ka qaadaysaa salaanta waanad soo dhoweynaysaa,ma fasaxayo dhaqankeenna iyo diinteenu inaad dhabarka u jeediso,xagga danaha iyo siyaasadda waa waddo kale oo goorteeda iyo howsheeda leh,wanaagga iyo wajiga furan ayaaba ah diplomasiyadda ugu qaalisan oo waxay goyn kartaa wax aan colaadi goyseen waxanay noqottaa (Cultral Diplomacy) ama Soft power.


Qolada Somalia inta badan waxa iskaga khaldan dhulka iyo diplomasiyadda,waxa kala jira (Geographic Name and Diplomatic name) tusaale dhow  dhulka Somalida Kenya,Somali state of Ethiopia,Djibouti,Somaliland iyo Somalia magacyadaas waa diplomatic name,oo wuxu caddaynayaa Somali ha la ahaado lkn magaca ayuu ka dhex muuqadaa Somali cidda ay ka sii yihiin,haddiise aan idhaahdo dhulalka Somalidu degto waa Geographic name oo waxan u jeedaa dhamaan dhulalka Somalidu degto oo dhan,siyaasad kamaan hadal ee waxan dusha ka sheegay uun dhulka dadka Magaca Somalida sheegtaa Degaan,haddaba dadka Reer Somalia haddii magaca Somali la soo qaado waxa u sawiranta Mogadisho,waxayna moodaan in qofka magaca Somali sheegtaa in mudisho laga xukumi doono,waase magac la khalad fahmay,waana khalad waayo Somali waa identity waa dad ka mida umadaha Adduunka ku nool,sida Sawaxili,Sulu,Yuruba,Viking,Hispanic iwmdhaman dadkaas iyagoo magac wadaaga ayay haddana dalal kala duwan ku noolyihiin.

 

Haddii aan Tusaale u soo qaadanno dhulal badan iyo Gasiirado badan ayaa la isku yidhaa British Isles, hase ahaatee waxa jira dad magacan British wadaaga sida UK iyo Ireland oo haddana laba waddan kala ah,waxa kaloo jira meelo ka fog Boqortooyada Ingriiska oo xukunka Ibgriisku gaadho oo la odhan jiray "British Overseas Territory”  ama Commonwealth sida Canada Australia iyo New zealand markaas gasiiradaha Ingriiska laba haddii look ala qaado waxay noqonayaan "British Isles” waa magac dhuleed,haddise loo sii kala qaado(England,Great Britain,UK iyo North Ireland) waxa loo yaqaan magacyo Diplomasi ah waxana magac waliba ka tarjumayaa,waxa ay dadka meeshaas ku nooli goosteen,


Haddad u soo noqotto carabta,waa Dowlado badan,oo Matalan Gacanka Carbeed,waa Dowlado badan oo la isku yidhaa Khaliijka Carabta oo qaarkood isu cadowba yihiin,markaas Magaca dhulku waa Kahliijka Carabta waa magac dhuleed(Geographic Name) laakiin Qadar,baxrayn,Kuwait,UAE,waa magacyo Diplomasi  sidaas si la mid ah waddamada  isku dadka ah ee haddana kala dalalka ah aad iyo aad ayay Adduunka ugu badanyihiin,lkn dadka Somalida uma kala soocna inta badan,waana arrimaha jahawareerka ugu wacan ayaan is leeyahay.

Somaliyey caqligu iyo aqoontu ha shaqayso

Allaa mahad leh

Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...