Proff Cabdi Cali Oo Shaaciyey Shakhsiga Ugu Dhaw Madaxweyne Muuse
Hargeysa(HWN):-Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa soo bandhigay shakhsiga ugu dhaw madaxweyne Muuse Biixi ee uu wax ka qaato.
Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku shaaciyey ganacsade caan ah oo uu tilmaamay inuu yahay shakhsiga kaliya ee uu wax ka maqlo madaxweynaha somaliland.

Proff Cabdi Cali ayaa sidoo kale ganacsadahan dhabarka u saaray inuu yahay shakhsigii ka dambeeyey inay isku dhacaan madaxweynaha ka dibna uu iska casilo xilkii uu hayey.
Proff Cabdi Cali ayaa qoraalkiisa ku yidhi:-
Gujiska ugu Dhaw Odayga!!!
Afeef: ninku haddii uu gurigiisa iska fadhiyo ama meheraddiisa iska haysto, sharci ahaan waa kiis haddaad soo hadal qaaddo, oo warbaahinta ka sheegto, laakiin ninku hadduu faraha la soo galo ammuuraha caamka ah (Public) ga ah, Mediaha waa laga sheegi karaa.
Gujiska ugu dhaw odayga waa ninka la yidhaa Abdi yusuf Aar, ee ku gabada ganacsiga!!! anigu ma garanayo caqliga iyo cilmiga laga waayay qaranka dhan ee laga dugsanayo inankaas.
Waa ninkii ka danbeeyay isku dhicii aniga iyo xukuumadda min bilaw illaa dhammaad. Ilaahay iyo isaga ba waan ku mahadinayaa in waqtigii ku habboonaa iyo sidii ugu fiicnayd aan uga tegay xukuumadda; xikmad wayn baa ku jirtay in aanan ku soo gaadhin xilligan anigoo ka mid ah xukuumaddan!!!
Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.


0 





