Qaraxyo Iyo Dagaal Ka Dhacay Magaalada Awdheegle Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

0
Wednesday August 14, 2019 - 15:05:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Iyo Dagaal Ka Dhacay Magaalada Awdheegle Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

    VOA: Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in laba qarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

VOA: Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in laba qarax

lala beegsaday ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Awdheegle.

 

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana lala beegsaday kontoroollada ciidanka ee Awdheegle.

 

Qarxyadaasi kadib ayaa la sheegay in dagaal culus uu dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa maleeshiyada Al-Shabaab.

 

Wararku waxay sheegayaan inay jiraan dhimasho iyo dhaawac. Warar hordhac ah oo VOA heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada dawladda iyo suxufi u shaqaynayey idaacadda ciidamada dawladda Soomaaliya ay ku dhinteen weerarkaas, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Saraakiil gobolka ah ayaa VOA u sheegay in magaalada Awdheegle ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda.

 

VOA


Loading...
Loading...