Cudurka Duumada Oo Dhibaato Ku Haya Shacabka Dalka Uganda

0
Wednesday August 14, 2019 - 12:48:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Duumada Oo Dhibaato Ku Haya Shacabka Dalka Uganda

    In ka badan hal million oo ruux oo u dhashay wadanka Uganda ayaa waxaa haleelay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan hal million oo ruux oo u dhashay wadanka Uganda ayaa waxaa haleelay

caabuqa cudurka duumada, labadii bil ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowlada.

Wasaarada caafimaadka Uganda ayaa u sababeysa korodhka cudurkan isbadal ku yimid dhanka cimilada kaasi oo hada u muuqda in xitaa cudurka duumada uu gaadhay gobolo markii hore ka Badqabay.



Xiligaan waa waqtiga caadiyan ay kacdo cudurka duumada, balse waxaa loo aaneynayaa roobabkii da'ay bishii June oo ahaa kuwa daba dheeraaday ayna dhalisay kororka kaneecada taasi oo faafisa cudurka Duumada.



War saxaafadeed wasaarada caafimaadka Uganda ayaa dhanka kale lagu sheegay in xogta la aruuriyay ay muujineyso in 40 boqolkiiba uu yahay cudurka duumada labadii bil ee la soo dhaafay taasi oo la mid ah xogtii la aruuriyay sanadkii Hore.


Xukuumada Kampala ayaa ka qeybisay 38 million oo mara kaneeco guud ahaan dalkaasi intii u dhaxeysay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-dii ilaa iyo bishii Maarso ee sanadkii 2018-kii si loo dhimo caabuqa cudurka Duumada.


Sida laga soo xigtay qaramada midoobay ku dhowaad 1 million oo ruux oo qaba cudurkaan ayaa laga diiwaan galiyay tan iyo bishii Janaayo, iyadoo 1,800 ruux ay cudurkaan u Dhinteen.

Loading...
Loading...