Madasha Wada-Tashiga Oo Ka Digtay In La Carqaladeeyo Doorashada Bidhaanteedii Muuqato
Sidaas darteed iyadoo madashu hore uga digtay muddo kordhin dambe oo abaal looga dhigo goleyaal gudan waayay xilalkii umadu u igmatay oo soo toosa maalinta ay dareemaan in korodhsiimadoodu gabaabsi tahay. Waxay madashu halkan ku sheegaysaa arrimahan soo socda
Waa in doorashadu ku dhacdaa xilligii heshiisku ahaa
Iyadoo goleyasha qaranka iyo asxaabta qaranka oo hantida umaddu ku baxdo ay arrinkan wadaagaan, haddana masuuliyada u weyni waxay saarantahay hay’adaha fulinta iyo madaxweynaha
Waxaynu ognahay in muddo xilleedkii golaha wakiiladu dhammaaday 2010 oo ay sharci darro ku fadhiyaan oo sifo sharci darro ah ku qaataan mushaharo iyo hanti umadeed.
Marka mudadii la cayimay la gaadho waxa bulsho weynta la gudboon inay xaqooda distooriga ah sifo kasta oo sharci ah ku raadsadaan si loo tiro dhaqanka xun ee kursi jacaylka ah, muddo xilleedkii distooriga ah ee shanta sanno ah.”


0 





