Mabda'eennu Maaha Sawir

0
Wednesday August 14, 2019 - 10:47:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mabda'eennu Maaha Sawir

    Cajiib ! Bulshadu haddii ay halka ugu hoosaysa ku dhacdo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cajiib ! Bulshadu haddii ay halka ugu hoosaysa ku dhacdo,
oo jaho kasta oo nolosha ka mid ahi ay dhulka taallo. Waxa suurogal noqda wax fekerka caadiga ah - ee aan dhulka oollini aqbali karin - soomaalida dhexdeeda waxa dembi ka noqday ISIRKEEDII !

Waxan maanta in badan baraha bulshada ku arkay sawirro ay kuwada jiraan madaxwayne Muuse iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Muqdisho. Ammuurta maangadka keentay waxay tahay; soomaalidu ma siyaasad bay isku haysaa mise waa isu cadaw aan isa-salaami karin oo iska soo agwareegi karin ?


Haddii ay siyaasad iyo arrin masiiriya tahay arrintu, maxaa ka dhigay waxyar oo fudud oo sawir gilgili karo ?  Sidoo kale, xaajadu hadday masiiri tahay, xaggee bay iskaga xidhmayaan feedh duubasho iyo uma dhawaankartid ?
Miyaanay wax sal iyo baar gees iyo ka gees shacab iyo xukuumad wada leeyihiin ahayn oo aan cidina gaar u gacantogaalayn karin ?

Waxay iila muuqdaan arrintan iyo ammuuro kale oo badani in aanay maangal ahayn sida wax u socdaan. Sawir iyo sawirrona macne ay masiir ku yeeshaan garanmaayo ! Cadaawad iyo kala caymadna dhab ahaan xal ma noqonayaan. Siyaasad iyo mabda'  ayidnaan ah ayaa dhexyaalla Soomaalida, taa shaqadeeduna maaha salfudayd iyo qiirotoonna

Majiiraha go'aan lagu dhisiyo xaajo maganteed leh
Mabda' iyo ammuur meel ladhigay mudan ma dhaafaana
Mintid iyo inaad meelmarkii kaga maleegnaato
Masalooyin aan maare iyo mayalka kaabaynin
Maraggeedu waa meel sokiyo maararow madhane


Farxaan Galaydh

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...