Xaramka Ma Siyaasad Baa Loo tegay Mise Cibaadaysi ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday August 14, 2019 - 10:42:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaramka Ma Siyaasad Baa Loo tegay Mise Cibaadaysi ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi "Meesha illaahay wax ka wado " dameeraha baa waylo dhala",

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi "Meesha illaahay wax ka wado " dameeraha baa waylo dhala",
meesha aan loo jid bixinayna "Lo'dda baa dameero dhasha" Beenina lug keli ah bay leedahay, oo markala qabto bay dhacdaa, saaka baa ceebttii ugu weyneyd ay Askartii Somaliland rogtay " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan weeyee), ay dhooqo aanay ka bixi karin dhex baraaq-satay, Ruux kaste oo is yidhaha wax qari ama ded, oo yaan la ogaan beenta iyo ciiradda isku qooshayso, yaan lagaa fahmin waxa aad wado, kolba dhinac noo dhiga, mar uun baa isaga oo aan is ogayn xagga samadda laga kashifaa. horaa uu u yidhi Macalin/abwaan gaariye (Ihun) " Runeey lagu neceb, Rafiiqaa-giyo raayid daalina, nina kuma rabo, laysku kaa reeb, lagu riix-riix, qofba dhan u rogay", waa sidaas halkan waxan ka gaw siinayaa, wixii hoosta lagala socday, ee laga dhuuqi jirey waxay ay u soo saxeeaan, hadana inta afka boodhka la soo marsado la dafiri jirey, oo illaah ku kashifay Kabcaddii ( Xashkii). Mudo aad u badan baa ummadda reer somaliland, lagu khaldi jirey Waddani Baa la socdda Somaliya, oo aanay wax ka jirin. maanta maxay ku bedeli doonaan waa yaabe.

 

Caruurta baa ku ciyaari jirtey " Xagu gebi, xagu gebi guntu walac" ee haday askartii gunta isi soo taabatay, wax ay ciiro isku qariyaan-ba. waa tan runtii oo dhoolo tus ahi, oo aan caad saarnayn haba yaraatee. Ceebeey tacaal, Labaddii askari iyaka oo aan muran iyo qarsoodi mid-na aan lahayn bay si cad oo xaqiiq ah, cadaan aan mad-madaw ku jirin la isku soo sawiray Wasiiro Somaliya ah, oo uu ka mid yahay ka Arimaha debedda, Maxaa maantana lagu hadli doonaa, ee ay ku sheekayn? Ma waxay la soo shir noqon doonaan anaka maaha kuwa la sawirani? Oo Somali weyn ma nihin, oo Waddani baa xidhiidh la leh, xagee baa laga bixi doonaa waa tan tallo dhabaqdaye. Waxan idiin sheegayaa Akhristayaal oo run ah, Meesha Xash iyo cibaadaysi, denbi la iska soo maydh looma tegin, ee wax loo tegay siyaasad, hadeer waa taas lo'dii dameero ku dhashay, ee maxay ka maali doonaan, la hubsay oo gorayto haad noqotaye. xaal-koodu waxa weeye " Waxan diidayaan misana doonayaa". Su'aashu waxa weeye " Xaramka ma siyaasad baa loo tagaa mise cibaadaysi?" Ha ka jawaabeen af jjanjeedha lahaaye.

 

Waxan ku soo xidhay maqaalkan muwaadin. horaa loogu maah-maahay " Waraabaw in aad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daa" oo micnuhu yahay in aad hal weyn kaga cabaadiso iyo in aad si tidhaaho yaan lagu ogaane dhuumo oo sanqadh tiro, labadaasi meel ma wadda maraan, ee doc ha isugu baydheen labadda askari iyo daba-leef-yadda cad quudheedka loo tuuraa.

Beentii ummadda lagu maaweelin jirey ee ahayd, waxa naga go'an Somaliland iyo khiyaaliggii lala wareegi jirey, denbi ay hoosta ku wataan, oo qoorta u sudhan siddii koor neef geel ah loo xidhay, hadana ku sheegi jirey meel aanay wax-ba ka jirin, oo ah Xusbiga Mucaaridka ah ee waddani, maanta bay noqotay Xumbo gudhay, oo ay si rasmi ah shaaca u qaadeen " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani, Xataa Akhristaw Illaahay, wax ka saamixi maayo, denbi dhaafna ma helayaan, waayo xoolo ay shaqaysteen kuma ay tegin Xashka ee Hantiddii ummadda ay ka xadeen, oo xaaraan ah baa meesah lagu lunsaday, taasna diinta Islaamku ma ay banayn. ee ha fadhido Faraw wa taas is fashee.

* N.B Waxan Diida-yaan Misna Doonayaa!

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...