Mashruuc Aan Go'ayn!
Waa mashruuc markii hore ku bilawday dulmidiid. Markaas wuu saxsanaa.
Waxaanu ka cadhoodhay dulmigii beelaysnaa ee lagu sameeyey Sacad Yoonis,
reer tolkii, iyagoo si' badheedha dagaal loogu soo qaaday oo aanay
dawladduna wax garawshiyo ah ka bixin. Waa jabhadda Caare. Laakiin,
maalmo kooban kadib waxa Caarre la xidhiidhay xoogag is-diidan oo midina
midka kale ka soo horjeedo. Waa xoogag min Hargeisa ilaa Xamar ay
silsiladahooda holcayaa daadsanyihiin. Waa xukuumadda Muuse, Saddexda
Xisbi Qaran, beelaha dega Ceerigaabo iyo Sool, dawladda Puntland, Ta
Farmaajo, siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah oo danayn badani ugu
jirto Samaysanka Jabhadda iyo Qurbejoogta oo ugu tun weyn.
Intaas aan
kor ku soo sheegayba waxay gacan buuxda kula jiraan dagaalka uu wado
Mudane Caarre. Saddexda Xisbi Qaran, midkasta waxa uu si' qarsoodiya
xidhiidh u la leeyahay Jabhadda, waxa uu xisbi kastaa danayn badan u
hayaa Caarre iyo kooxdiisa, sababtuna waa xisbi kasta waxa uu rabaa in
uu hirdankan siyaasadeed gacanku yeesho, waxna laga wayddiiyo xalkeeda
marka ugu danbaysa ama ay saa u hilnaanto dushana uu kale socdo inta
xalka wax laga wayddinayo. Ceerigaabo iyo Sool, dhammaan dadka
deegaankaas degani waxay Jabhadda u taageersanyihiin si' hoose. Waa
marka runta laysu sheegayo. Deegaan kasta waxa uu rabaa saamigii iyo
qaybtii uu ku lahaa mashruucyada horumarineed ee aan weli la soo
gaadhsiin. Deegaankaasina waa deegaanka ugu ballaaadhan hadana aan la
gaadhsiin wax horumarinaya, sababtaas bayna u taageersanyihiin jabhadda
Caarre. Ugu yaraan waa in ay ku gorgortamaan in saamigoodii laga
gacantogaaleeyey oo dhexda loo galay ay wax uun ka helaan. Siyaasiyiin
badan iyo madaxdhaqameed hayb walba leh ayaa iyana gacanta kula jira
jabhadda Caarre, iyaga oo laba wejiilayn kula socda dawladda iyo
isagaba. Danta ay eeganayaana waa in ay danahooda Muuse Biixi
handaraabay ay kula gogortamaan in ay helaan iyaga oo caarre oo
dulmidiid ku qoran dabada ku haaya, una sii dhexmaraaya.
Siyaasiyiintan
iyo madaxdhaqameedkani waa kuwo Muuse ka waayey gacantii hoose ee ay
filayeen, in maruun uu jeebka wax u geliyo. Maadaama taasi dhici
waydayna waxay dabada soo geliyeen Caarre. Hasayeeshee, waxaa jira Kooxo
kale oo nasteex sheeganaya, kuwaas oo iyana Muuse la shaqaysanaya kuna
magacaaban Caarre ayaan heshiis ka soo saxeexaynaa. Taasina waa been.
Waxayse dhinacooda haystaan tuunbada mashruuca oo way ka caananynayaan.
Somalia oo iyana dhinaceeda Mashruuca ku jirta waxay soo hurinaysaa
Caarre iyo ragbadan oo dababda ku haaya. Waxay iyana Caarre iyo
kooxdiisa ku sasabanayaan in ay dulmiga iyo dayrada dabadheeraatay iska
tuuraan. Xaaladda iyo jewigan taaganna ka faa'iidaystaan.
Qurbajoogta oo
ah dab huriyayaasha koowaad ee dabka baaruuda kuu sii horinayaa waxay
wadaan buuqsiyaasadeed oo ay ku fureen dawladdii kornaylada. Waxay
faafinayaan ku-tidhi-ku-teen iyo war xaqiiqo ah oo ay ku kicinayaan
jabhadda caarre. Ugu danbayn, isna dhinaciisa waxa mashruuca kaga Jira
madaxweyne Muuse iyo Maxamed Kaahin. Waa laba askari. waxay ku
hammiyayaan in ay Caarre oo hal qofa soo qabtaan dhegtana dhiiga u
daraan. Waxay iska indhamarayaan huwanta aan kor ku soo sheegay ee ku
gabbanaysa. Waxay iska dhigayaan rag dawlad haysta oo u bababac dhigi
kara ama dumin karaba waxan uu Caarre soo dhoobdhoobay. Waxay haystaan
kalsoonida ah yaan laydin ka dareemin debec iyo dulqaad tiinuna ha
hirgasho oo aakhirka Caarre ha soo galo gacantiina. Hadaba, mashruuca
intaas le'eg, waxa dhinac kasta haysta intaas oo bilo. Sidee suuregal u
noqonaysaa in si' fudud loo xalliyo? Ninkastaa ma joojin karaa mashruuca
uu gacanta geliyey? Cidi ma ka tanaasuli kartaa oo dadka deegaanka iyo
aayaha Somaliland maka nixi doontaa? Dadka deegaanku caqli saliima maku
eegi karaan hawshan oo maka tanaasuli doonaan? Dawladdu ma debci doontaa
oo jabhadda Caarre mashruuceeda ma dhammayn kartaa?.
Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland
Degmada Maxamed Mooge
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...