War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xabsiga Dhigay Wasiir Uu Xilkii Ka Qaaday.

0
Wednesday January 23, 2019 - 21:01:01 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xabsiga Dhigay Wasiir Uu Xilkii Ka Qaaday.

    Jigjiga(HWN):-Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa xabsiga dhigay wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin oo uu maanta ka qaaday xilkii uu hayey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jigjiga(HWN):-Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa xabsiga dhigay wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin oo uu maanta ka qaaday xilkii uu hayey.
Xadhiga wasiirkii hore ee warfaafinta dawlada deegaanka soomaalida Guuleed Aw Cali Kaahin iyo xil ka qaadistiisaba ayaa lala xidhiidhinayaa khilaaf adag oo ka dhex taagan dawlada federaalka ah ee Itoobiya iyo dawlada deegaanka soomaalida, iyada oo madaxweyne Cagjar uu dawladiisa ka saarayo xubnaha ka soo jeeda aragtida uu ka qabo xisbiga ee taageersan gudoomiyaha xisbigaasi Axmed Shide.

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo gudoomiyaha xisbiga deegaanka soomaalida ahna wasiirka maaliyada ee dawlada federaalka ah Axmed Shide ayaa isku haya qaabka loo soo xulayo xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo dhawaan la filayo in la qabto shirweynihii xisbiga.


Magaalada Jigjiga ayaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeya dawlada deegaanka iyo dawlada federaalka ah.
Loading...
Loading...