Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dad Ku Dhintay Deegaanka Ceel-afweyn
Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.
Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.
Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud
Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


0 





