Baaq Iyo Talo Reer Ceel Afweyn! by M J Farah

0
Tuesday August 13, 2019 - 12:36:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Iyo Talo Reer Ceel Afweyn! by M J Farah

    Reer Ceel Afweyn mala waxay doonayaan in reer Somaliland Habaarto oo Alle(swt)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Ceel Afweyn mala waxay doonayaan in reer Somaliland Habaarto oo Alle(swt)
 laga ashkateeyo kol hadii loo maaro waayey, oo dhaartii Alle lagu dhaariyey,taladii,dhexdhaxaadiintii walaalnimadii wada dhalshadii wada noolaashihii ducaadii intaba qaadan waayeen,waxaa hadhay waa in aanu nidhaahno Allow u taagweyne kuwa gardaran adigu u tali adiga ayaa oge,cida nabada diidan iyo cida hoos ka hurinaya ee is qarinaysa Adiga ayaaney waxba kaa qarsooneyne naga qabo,oo Junuudaada u der ha edbiyaane.

 

Mar labaad waxaa u arkaa in wali wakhti ay haystaan dadka colaadan sii holcinaya ee daaha dabadiisa ka wada ay Alle uga toobadkeenan oo xumo iyo fililada sheedaanimada ka baxaan,wanaagna ku bedelaan,xumaanta jidka toosana qaadaan inta ay wakhtiga haystaan.

 

Wax garadka reer ceel Afweyn waxaa la gudboon intooda caqliga ilihi iney dadka aan wax garadka ahayd ee jid ay u socdaan iyo mid ayka socdaan ee shaydanka insaga ah iyo ka jinka ahiba ku adeegsanayaan iney caqli u noqdaan oo hubka ka dhigaan,walaaleeyaan dhaqan Celina u sameeyaan.

 

Xisbiya Qaranka ee Somaliland waa ay ku guul dareysteen iney kaalintii kaga adaneyd ka qaataan colaada ceel afweyn gaar ahaan xisbiga wadani oo ay ahayd gudoomiye Cabdiraxmaan ciro in uu tago ceel afeweyn oo kala dhexdhigo labada beelood ee reer togkii ah calanka cad ee nabada taas oo uu ku helilahaa sumcad weyn oo uu taranka dambe shacabku ugu codeyn lahaayeen hadii uu talabadaasi qaadi lahaa,sidoo kale Fasal isaguna waa ku guuldareystey kaalintiisii odeynimo. Sidaa waxaa u lee yahay labada xisbi ee UCID iyo Wadani waa xisbiyo Mucaarid ah oo kaalin dhexdhexaadnimo uga furan tahay kaalinta nabadeenta halka xisbiga Kulmiye loo foodsaarayo dawlada waayo waa xisbiga talada haya oo ay tahay in uu kaalintiisa isaguna qaato,balse xisbiyada mucaaridka labada beelood ee dagaalamayaa kama dhadhaminayaan dawlada oo fursad weyn ayey ka qaadan karaan nabadeeda labadan beelood,wixii talooyina iyo gacan ahna waxay weydiisan karaan dawlada iyo bulshada Somaliland. Balse malaha wax kalaa u muuqda.

 

Waa in Alle ka baqanaa oo aan dadkeena ku mideynaa diinteena iyo wadankeena Jacaylkiisa.

 

hogaanka.org

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...