Maskaxda Bani' Aadamka Iyo Siday Uga Falceliso Fahanka. Qalinkii:Sadam Osman Kaabash
Hababka tabliiqiyiintu isticmaalaan ayaa ah qaabka ugu habboon ee dadka loo waanin karo,
waxna loogu sheegi karo. Tusaale, xilliga salaadaha
laga baxo iyo sunnayaasha dabadeed. Badanaa salaadda Duhur, Casar,
Maqrib iyo Subax. Waa xilliyada ay ay Tabliiqiyiintu dadka si' wanaagsan
wax ugu sheegaan iyadoo wacdiga looga bilaabayo Tawxiidka, ila
jiritaanka Alle, iyo ficilada marag-madoonta ah ee Alle ku leeyahay
nolosha aadamaha iyo ma-noolaha ba. Waana hab Tabliiqi kastaa ku
tobabaranyahay. Waxa lagaa dhaadhicinayaa nimco aadan markaas dhaadanayn
oo u baahan in lagu xasuusiyo--oo naftaada lagu soo jeediyo--shaydaanka
lagaaga didiyo ama ugu yaraan niyaddaada lagu kasbado. Waxay ka
bilaabaan in Alle wax arzaaqo, wax abuuro, cidduu doono lumiyo, cidduu
doonana hadeeyoo,cidduu doono cilmi siiyo, cidduu doonana jaahil ka
dhigo.
Xagga arzaaqadda, markiiba kii hayntiisu yarayd waxa uu gelayaa xusuus
dheer oo uu ilaahay si' toosa u la xidhiidho ama u la faqo, wuxuu si'
waafiya u yaqiinsanaya in baryada Alle u hayso waxa uu doonayo ama
la'yahay. Waxa uu arkayaa kadeedka adduunyada in uu ka dhex baxsanyahay
oo ilaahay isaga halkaas ugu talo galay. Waxa niyaddiisa ka baxaysa
werwerkii ahaa in uu yahay faqiir aan cid haysan oo dadka ugu liita. Kii
qaniga ahaana waxa uu gelayaa xusuus dheer, waxa niyaddiisa ku soo
dhacaysa boqolaalka lacaga ee uu haysto. Waxa uu dhex jibaaxayaa
kumanaan dan'yara oo uu k a hayn roonyahay, waxa maankiisa saldhig uga
dhigayaa in uu imtixaan ku jiro halkaasna waxay u noqonaysa cashar uu
masaakiinta hoos ugu eego.
U kaalay kelmadda ah "Ilaahay isagaa waxkasta abuuray". Niyadda
umiyaha masjidka yuurura oodhan waxaa ku sawirmaysa: xayaan afar addin
leh, mid xamaaranaya oo noloshiisu kadeed tahay, mid duulaya oo
samaawaadka heehaabaya, mid taagdaran oo la firiya qudhaanjada iyo
noocyadeed iyo mid ay ugu sarreeyaan geela iyo xayawaanka la sinfiga
ahi. Mid halkaas soo fadhiya ayaa is-xasuusanaya in uu laxaad la'yahay,
ama xanuun uu haleelay xubnihiisii kale dhantaalay. Isna waxa uu gelayaa
xusuus isaga iyo allahiisa isku xidha. Waxa uu markiiba niyadda
gashanayaa bal ka waran adigoo intan ka sii liita? Maxaa dhici lahaa?
Sidaad u fekeri lahayd? Niyaddaadu maanta say noqon lahayd?
Alxamdulilaah.
Mid isna halkaas ka soo jeeda oo dul iyo baar Alle dhammaystiray ayaa
isna niyaddiisu si' toosa Alle ugu xidhmaysaa. Waxa uu xasuusanayaa
saaxiibkii oo camoole ah, jaarkiisa oo laangadhe joogo, sii jeedkiisa oo
qof kamid ah gaadhi curyaan lagu qaado. Oday duqa oo toban sano
dhinacuu u jiifsaday qaab looga duwo aan lahayn. Qof da'aadiisa ah oo
marka uu maydhanayo dhawr qof qaadaan una qubeeyaan. Qof kale oo
laxaadkiisii waayahay duruufina u raacday. Markaas bay ilmo sida
naraasta ka soo boodaysaa labadiisa indhood. Waxa uu xasuusanaya
nimcooyinka Alle siiyey ee ka faa'iidaysigeeda aanu weli fahmin.
Odhahda ah "Ilaahay waa ka cilmiga bixiya". Weedhaasina waa mid dad
badani markay arkaan ay si' toos ah Allahooda u la xidhiidhaan. Halkaas
waxa soo fadhiya miskiin weligii aan dugsi wax lagu barto cagaha dhigin.
Nasiibkiisuna aanu u suuro gelin in uu jaahilnimada ka baxo, khayrkiina
wax la qaybsado. Halkaas iyana waxa soo fadhiya aqoonyahan qaybta uu
cilmiga ka bartay si' waafiya u fahansan, balse, cabsida Alle iyo
waynidiisa xusuustiisu ay ka maqantahay.
Ugu danbayn, wacdiga iyo waanadu waa mid markasta la heli karo.
Laakiin iimaanka iyo u fiirsiga fahanka wacdigu maaha mid markasta
maskaxda bani'aadamku u diyaartahay. Taasina waa sababta shaydaanku u
jiro, iyadoo masjidka wacdi laga wadana ay dadka qaar uga dareeraan
iyagoon wax shaqo ah oo muhiima aan haynin ama masjidka ugu
dhexsheekeeyaan. Allaw waa taadee fahanka noo badi. Aamiin Aamiin.
Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Mohamed mooge.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...