Somaliland Iyo Wadamada Marin Biyoodka Badda Cas Oo La Saadaalinayo In Ay Noqdaan Meelaha Iyo Sayladaha Ganacsi Ee Ugu Muhiimsan
Aduunka Ee La Isugu Imanayo Boqolaalka Sano Ee Soo Socda !!!
Waxa aduunka ka dhacda in dhawrkii boqol ee sanoba gobol
la isugu tago oo tartanada dhaqaalaha, ganacsiga iyo awoodaha aduunku
isugu yimaadaan halkaasi oo ah meel dihin oo ahmiyad u leh dalwalba isla
markaana aanu ka qadin joogitaankeeda iyo wax ka qabsashadeeda ,
haddaba waxa hada la saadaaliyaa oo saan-saanteedii muuqataa in Gobolka
Geeska Africa iyo Marin biyoodka bada cas oo waligoodba aduunka laga
yaqaanay ahmiyadooda ay noqonayaan halka aduunku u soo guurayo
boqolaalka sano ee soo socda.
Gobolkan aynu ku noolahay gaar ahaan dhulka Somaliland waxa uu ahaa
dhul aad ugu muhiima ilbaxnimooyinkii iyo boqortooyooyinkii aduunyada ee
hore gaar ayaan Masar , Ethiopia , Geeska Africa , Jaziirada carabta,
Bariga dhexe Beershiya iyo Hindiya oo sida buugta taariikhda ee kala
duwani ay qoraan midiba magac gaar ah ayuu u yaqaanay dhulkan iyo dadkii
ku noolaa waxaana ka mid ahaa magacyadaa sida; Kush , Bunt , Aroma ,
dhulkii ilaahyada , sidaasi oo kale carabtu waxa ay u taqaanay Barajam ,
Bar-as-Somal iyo magacyo kale.
Magaalooyinka Zeylac , Bulaxaar, BerBera , xiis , Maydh iyo
Laasqoray waxa ay ahaayeen magaalooyin ahaa saylado wax lagu kala
badasho oo wadamada kale ee aduunyaduna keenaan waxa ay sameeyaan ee
dadka Africa u baahnaayeen sida Hu'ga iyo Cunooyinka iyaguna ay geeyaan
xoolaha iyo waxii ka soo baxa sida subaga , hargaha , saamaha iwm , waxa
kale oo dhulkan hodan ku ahaa xiliyada taariikhaha boqortooyooyinkana
muhiim u ahaa fooxa, maydiga, xabagta iyo guud ahaan beeyada , waxa
sadexaad oo soo raaci jiray baal goray , fool maroodi , beedka gorayada ,
harimacad iwm.
In uu dhulkani muhiim ahaa waligiiba waxa kuu cadaynaysa 2800 Bc
Nebi ciise hortii iyo taariikho ka sii horeeyey ayaa lagu soo bandhigaa
buugta taariikhda iyo madxafyada taariikhaha ugu waaweyn ee dalka masar
sida luxor , sida uu Alle ha u naxariisto e Cali Jamac Qalinle ku
qoray Buugiisa taariikhda umadda soomaaliyeed oo uu ka soo xigtay buug
badan oo ay qoreen sahamiyayaal iyo qoraayo aduunyada ee wax ka qoray
dhulkan iyo dadkiisa, kuwaasi oo u badnaa Giriig , Ingiriis , iyo Carab .
Haddaba marka aad eegto ahmiyada marin biyoodka badda cas aduunka u
leeyahay iyo tartanada ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha ( China ) iyo
Maraykan ( USA ) iyo waliba tartanada is xulafaysiyada awoodeed ee aad
moodo in aduunku soo miisaanmayo oo wadamada bariga aduunku horumar
badan sameeyeen oo dhinacwalba ah , marka lagu daro danaynta dhulka
Somaliland ee wadamada carbeed ee Saudi Arabia iyo imaaraatka , Turkiga ,
Russia , maraykan , Masar , Israel, UK iyo Iran .
Marka la eego maalgashiga Dekedaha Gobolkan ku yaalla ee lagu
tartamayo iyo Free zone ka ama dhulka alaabada la dhigto oo suuq ah laga
hirgalinayo Djibouti oo China ka wado iyo Somaliland oo Dp world laga
yaabo in ay ka samayso freezone nasiya Dubai oo alaabta la dhigo isla
markaana noqda mid alaabta dalka Ethiopia iyo Africa u gudbaysaa ama ay
rabaan laga heli karo oo ah suuq dhow oo cidwaliba alaabteeda keensan
doonto iyo waliba Deked isku xidha marinka Badda cas marka la eego
meesha haboon ee ay ku taallo.
Marka lagu daro sida dunidu u danaynayso marinkan ee hadda la
leeyahay waxa loo sameeynaya ciidamo la yidhaahdo Badda Cas , iyo
tirada saldhigyada ciidamada aduunka ee ku soo badanaya gobolka oo ay
dalka Djibouti dhawr saldhig ciidan ku yaalaan , Somaliland na uu ku
yaallo saldhiga ciidamada UAE iyo wadamo kale oo badan oo danaynaya in
ay saldhigyo iyo ka helaan dekado ay dhistaan oo ay ka mid yihiin , UK ,
USA , RUSSIA , CHINA , TURKEY , MASAR , IRAN , ETHIOPIA , ISRAEL iyo
waliba qaar kale oo badan oo EUROPEAN iyo ASIAN ah , ayaa waxa ay ku
siinaysaa ama ku tusaysaa in uu gobolkani yahay halka dunidu u soo
guurayso boqolaalka sano ee socda ee ugu muhiimsan aduunka .
Waxa haddaba isweydiin leh dadka iyo dawlada Somaliland ma ku
baraarugsan yihiin waxa ka socda gobolka ay ku nool yihiin iyo sida
dhulkoogu muhiim ugu yahay dalkasta oo aduunka ah , marka lagu daro
waliba in ay tahay Somaliland wadamada khayraadkeega oo dhami u yaallo
oo aan waxba laga isticmaalin hadii ay shidaal tahay, macdan, khayraadka
badda iyo khayraadka barriga, sida xoolaha nool, kalluunka, beeraha,
beeyada macdanaha kala duwan , saliidaha kala duwan , dhirta laga
sameeyo dawooyinka, dhirta laga sameeyo waxa la isku qurxiyo, xoogaga
tamarta ee dhuxul dhagaxda, cadceeda iyo dabaysha , dhirta laga sameeyo
cadarada iyo waxyaabaha uduga ah oo dhan , goobaha taariikhaha iyo
dalxiiska iwm .
Waxa aynu u baahanahay in aynu u diyaar garowno oo gaawaha u culano
sidii aynu ugu maali lahayn tartanada kala faaiideysi iyo maalgashi oo
gobolka iyo wadamada marin biyoodka badda cas ka socda , waxa aynu u
baahanahay in dalkeena oo ah ka ugu muhiimsan waxyaabaha dunidu
danaynayso oo dhan in uu gadhwadeen isagu ka noqdo hadii gobolku wax
qaybsanayo ama wax samaysanayo ee aanay ina dilaalin ama wakiil inaga
noqon dawlado aan ahmiyada Somaliland leedahay iyo mid u dhow toona
lahayni .
Waxa aynu u baahanahay in aynu sharciyadii aynu aduunka wax kula
qaybsan lahayn , kuwii la inagu maalgashan lahaa iyo kuwii aynu dadyowga
kale kula macaamili lahayn diyaarsano oo waliba ka fiican kana furfuran
oo ka fudud wadamada tartanka inagula jira si dalka Somaliland u noqdo
ka ugu wanaagsan ee aduunka oo dhami danaynayo ee la isugu imanayo ,
Isla markaana noqonaya saylada isku xidhaysa Africa, Jaziirada Carabta ,
dawladaha bariga ee wax soo saarka warshadaha hada hogaanka u haya sida
China, Japan, Hindiya iyo dunida kale ee reer galbeedka ee danaynaysa
Suuqa Africa.
Mohamed Abdi Jama ( Muhamed Dhimbiil )
Tell : +252634241005
@dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...