Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Maxamed Cabdilaahi (Maxamed Case) Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Berbera

0
Tuesday August 13, 2019 - 11:24:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Maxamed Cabdilaahi (Maxamed Case) Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Berbera

    Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Maxamed Cabdilaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)  oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan  isla markaasina u tartamaayai Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera .

 

 

Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)  oo kamida dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee degmada berbera ka sugayso inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Maamulka hada ka jira iyo kuwii uga horeeyeyba.

 

 

Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)  oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Berbera ,

 

 

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case) Baahi Weyn bay bulshada reer Berbera u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

 

       Allaa Mahadleh

 Sharmaake Cali Hurre

Berbera/Somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...