Xulbada (Fenugreek) Dawo Ka Qaalisan $ 1000,000 Oo Aanad Aqoon. Qalinkii Cabdi Caawiye
1. Calool Istaaga.
Xulbadu waxyaabaha ay aad ugu fiicantahay ilbidhiqsiyo gudahoodna ay daweyso waxaa ka mid ah oo ugu horeeya calool istaaga.
2. (Cabuuqa)Infections
Xulbadu waxa ay jidhka ka saartaa dhamaan infectionka haba ahaado mid jidhku sameeyey ama qaliin uu keenay IWM
3. Wadnaha
Dhamaan
xanuunada wadnaha ku dhaca waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay
Xulbadu tahay shayga keliya ee wadnaha iyo shaqadiisa sidii caadiga
ahayd ku soo celisa kana saarta wixii khalkhal ah ee ku dhaca.
4. Gaasteri ama calool ololka joogtada ah.
Xulbadu
waxa ku jirta maado qadhaadh badan oo aan jidhka u ogolaan inay dacari
samaysanto, sidaa darteed gaasterigu waa dacar samaysantay oo ururtay
marka uu qofku cabbo oo isticmaalo xulbada waxay jidhka ka saartaa
dhamaan wixii dacar iyo gaasa sida ay isku raaceen khubarada
caafimaadku.
5. Xiiqda.
Xanuunka xiiqdu waa xanuun ku dhaca neefmareenka dhuunta iyo sambabada waxaana keena samboorka oo aan hore loo daweyn.
Xulbada
waxa ku jirta maado dhareer badan oo qofka kasoo goysa laabtiisa
balqankii ama xabkii fadhiyey waana sababta ay dawada ugu tahay Xiiqda.
6. Fiitamiino badan.
Xulbada waxa ku jira fiitamiino iyo macdano badan oo ay ka mid yihiin
magnesium
34 mg, zinc 30 mg, and vitaminB6 10 mg waxaana ay jidhka ka caawiyaan
adkeynta difaaca iyo dayactirka nabarada sida dhiig joojinta.
7. Kelyaha
Xulbadu waxa ay 80% ka fiicantahay kiniinada warshaduhu sameeyaan dinaca kelyaha.
Khubarada caafimaadku waxay isku raaceen in xulbadu xataa ay soo saarto oo ay misho dhagacaanta kelyaha kusamaysma.
8. Roomatiisan lafaha
Waxa
ay xulbadu la dagaalantaa cudurka romatiisanaka waayo waxay leedahay
dhareer badan oo xubnaha jidhka ka caawiya inay si fiican isku
dhaafdhaafaan oo aanay is xoqin.
9. Dhinaca Galmada
Waxay kor u qaadaa rabitaanka jinsiga kale.
Waxa ay raajisaa biyaha raga xiliga galmada.
10. Miisaanka
90% dadka badankoodu waxa jecelyihiin inay inay miisaanka iska yareeyaan ama ay is dhuubaan
10% waxa ay jecelyihiin inay waxaan haddaba xulbadu waxay ka mid tahay waxyaabaha miisaanka kordhiya waa hadii aad in badan isticmaasho sida laba waqti maalintii ama maalin kasta hal mar si joogto ah.
Ogow haddii aad caadi u isticmaasho wax miisaana ku fuulimaayaan.
11. Caanaha Hooyada
Sida daraasad dheer lagu ogaaday xulbadu kow ayey ka tahay waxyaabaha caanaha hooyada aad u kordhiya.
Hooyo isticmaal xulbada si uu ilmahaagu u hello caano badan iyo difaac adag oo uu cudurada iskaga difaaco.
La soco qabaha dambe......
Qalinkii Cabdi Cawiye
[email protected]
+252634115877
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!