'' Caqligeenu Waa Mid Aan Koriin Samaynin ''.

0
Tuesday August 13, 2019 - 09:47:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Caqligeenu Waa Mid Aan Koriin Samaynin ''.

    Dhul-mareenkii Ingiriiska ahaa ee la odhan jirey Richard Burton

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhul-mareenkii Ingiriiska ahaa ee la odhan jirey Richard Burton

, ayaa wuxuu ku sheegay buugiisa First foots in eas africa '' Arladdu waa wada bahal , waxaana ku badan dugaaga halista ah sidda ,Libaaxa , shabeelka iyo kuwo kale , nin kasta oo Soomaali ihina wuu hubaysan yahay , mar walbana waa nin feejigan oo hareeraha iska eegaya , cabsida ugu wayn ee haysaana , waa nin kale oo Soomaaliyeed oo uu iska eegayo .

 

Dhinaca kale , Sarkaal Milateri oo ka tirsanaa Ciidamada Ingiriiska ee Sal-dhiga Cadmeed oo la odhan jirey Swayne , ayaa Buug uu qoray 1876 wuxuu ku sheegay in Dawladda Ingiriisku joojisay dagaal waagaa ka dhex socday beel gudaheed Deegaanka Bula-xaar , Beeshaas oo dagaalkaas dhexdeeda ka dhacay isugu gaysatay khasaare balaadhan .

 

78 sanadood ee Ingiriisku arladan joogay , aragtida ugu wayn ee u faafi jirey na waxay ahayd in uu ku celcelin jirey , in dadka dhulkan Somaliland sababta ula joogaa ay tahay in uu kala ilaaliyo oo kala celiyo si aanay isu dhamaynin .

 

Abwaankii wadaniga ahaa ee C/laahi Suldaan , oo ku faraxsan xoriyadii 1960 , isla markaana xusaya hadalkii ingiriisku waakii lahaa ,

 

''Waa aydaa is cunaysoo ,

waan ilaalinayaadii ,

isticmaarku lahaa ''

 

Iyadoo markaa Abwaanka arrintaas ilaalintu ugu muuqatay dacaayad iyo liidid isticmaarku faafinayay .

 

Si kastaba ahaatee , 70 sanadood ka dib tegistii Ingiriiska , markaad eegto waxaa ka socda Ceel-afwayn , iyo dadka qarnigi 21 aad ee Aduunyaddu qorshaynayso inay meerayaal kale u guurto qofba qof dilayo sidda dugaaga , waxaad ogaanaysaa in aan caqligeenu wax koritaanaba aanu samaynin ee uu yahay mid dhagaxa .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...