Biriishka Labaad Ee Burco Oo Mudo Sadex Bilood Ah Xidhan Iyo Lacag Madaxweynuhu Amray Oo Aan Wali La Sii Dayn.

0
Monday August 12, 2019 - 20:45:45 in News by
  • Visits: 2241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biriishka Labaad Ee Burco Oo Mudo Sadex Bilood Ah Xidhan Iyo Lacag Madaxweynuhu Amray Oo Aan Wali La Sii Dayn.

    Biriishka Labaad Ee Burco Oo Mudo Sadex Bilood Ah Xidhan Iyo Lacag Madaxweynuhu Amray Oo Aan Wali La Sii Dayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biriishka Labaad Ee Burco Oo Mudo Sadex Bilood Ah Xidhan Iyo Lacag Madaxweynuhu Amray Oo Aan Wali La Sii Dayn.


Hargeysa(HWN):-Biriishka labaad ee magaalada Burco ayaa bishii sadexaad u xidhan dhibaatooyin ka soo gaadhay roobabii guga ee ka da’ay magaalada Burco.


Xidhnaanshaha biriishka labaad ee magaalada Burco ayaa dhibaato balaadhan ku haya bulshada ku nool magaaladaasi, iyada oo gaadiidkuna ay dhexmaraan wado raf ah oo laga dhex sameeyey dooxa uu biriishku ku yaalo.




Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan wali sii dayn lacag uu madaxweyne Muuse Biixi amray in dib u dhis loogu sameeyo biriishkaasi, taas oo ilaa hada taala baanka dhexe isla markaana aan la garanayn sababta loo sii dayn waayey.


Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka mid ah golaha deegaanka Burco ayaa ka hadlay dhibaatada ay bulshadu ka wajahayso biriishkaasi "Waxaad la socoteen in roobab laxaad leh ay ka da’een magaalada Burco iyaga oo dhibaato soo gaadhsiiyey sadexda biriish ee magaalada, waxaana ugu darnaa biriishka go’ay ee Deero.”


Sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay in madaxweynaha somaliland uu bixiyey lacagta dib u dhiska loogu samaynayo biriishkan go’ay iyo mid kale oo waxyeelo soo gaadhay waxaanu yidhi "Labada Biriish ee dhibaatada ugu weyni soo gaadhay oo la qiimeeyey waxa codsigii bulshada gobolka Togdheer ka aqbalay codsigoodii madaxweynaha somaliland oo saxeexay lacagtii lagu dhisi lahaa labada biriish ee waa weyn, markiiba way soo ka baxday sida nagu maqaalo ahna waxay taalaa baanka dhexe, lacagtiina wali halkaas ayey taalaa iyada oo ay joogto tahay dhibaatada biriishka Deero ee xidhan oo maalin kasta ay ka timaado khasaare dhaawac dad iyo gaadiid ah, lacagtaasina ilaa hada namay soo gaadhin shaqadiina may bilaabmin.”


Dhinaca kale xildhibaan Bidhi waxa uu ka digay in iyada oo aan la taagin kaabadaha biriishka go’ay ay yimaadaan roobaba deyrtu ay dhibaato kale soo gaadhi doonto labada biriish ee kale "Bishan waxa bilaabmaya roobabkii dayrta hadii ay yimaadaan roobab kuwii hore la mid ah ama ka badanba labada biriish ee kalana way dumayaan sida ay noo sheegeen farsamayaqaanadii aqoonta u lahaa, inta aan la gaadhin mudada roobabkaasi bilaabmayaan waa in la bilaabaa labada kaabadood ee qabanaya biriishka dumay.”


Ugu dambayn xildhibaan Bidhi waxa uu dadweynaha Burco ugu baaqay inay ka qayb qaataan dib udhiska biriishkan "Waxaan u soo jeedinayaa cid kasta oo hawshan shaqo ku leh gaar ahaan wasaaradaha ay khusayso inay soo fudaydiyaan mar hadii uu madaxweynuhu lacagtii bixiyey, anaguna diyaar ayaanu idiin nahay inaan idin kala shaqayno.”

Loading...
Loading...