Meherrad Casri ah oo Sameynta Macmacaanka iyo Jalaatadda Nooc Cusub ah "Molto Ice-Cream" Oo Laga Furey Hargeysa
Furitaanka Meheradan Casriga ah ee Sameynta Macmacaanka iyo Noocyadda kala duduwan ee Jalaatooyinka(Molto Ice-Cream) ay inta baddan sida aadka ah u Isticmaalaan Haweenka,Caruurta,iyo Dadka Waaweyniba iyadoo Furitaankeeda lagu Beegay Munaasibada Ciida Carafa haddana Waxa ay Soo jiidatey Guud ahaanba Mujtamaca ku nool Magaalada Hargeysa oo Waax Waax iyo Degmo Degmo, isaga soo Tilmaan Qaatey islamarkaana, si xoogan uga adeegtey, Waxyaabaha Macamacaanka Casriga ah ee Meheradan Cusubi usoo bandhigtey Guud ahaanba Bulshada kunool Caasimada Somaliland ee Hargeysa,oo tayo ahaan iyo dhadhan ahaanba lagala mid dhigey Sida looga Isticmaalo Macamacaanka nociisa ah Dalalka Aduunka ee Hurumarey.

Maxamed Daariq, oo kamid ah Masuulyiinta iyo Hawlwadeenada Meheradan Molto Ice-Cream oo shacabka Somaliland ugu Bushaareeyay islamarkaana, uga Xogwaramey Ganacsigan Casriga ah iyo Nooca Meheradan ay Kusoo kordhiyeen Caasimada Hargeysa oo Baahi Weyn loo Qabey Waxa uu Sheegay.

«Halkan Meheradan Ganacsi ee aan ku Fureynaa waa Mid Weyn oo kamid ah kuwa Caalamka Waana Qeybtii Hargeysa,Runtii Magaalooyinka kale ee Waaweyn ee Somaliland Waanu ka furri doonaa, hadaan idiin Sheego Waxyaabaha ay Sameyn Doonto,Waa Macmacanaaka iyo Jalaataddii oo Nooc Walba ah,Gacmo furran ayaanu kusoo dhaweyneynaa laga soo bilaabo Toddobada Subaxnimo ilaa iyo Laba iyo Tobanka habeenimo Wey furan tahey Waanay shaqeyneysaa,Shaqaale idin Raaligalin doona oo aydaan ka Xiise Goynin ayaa iyaguna idiinku Diyaar ah»Ayuu yidhi Maxamed Daariq.

Meheradan Cusub ee Casriga ah ee Sameynta Jalaatada Ice-Cream iyo Macamacaanka,oo siweyn usoo jiidatay Dadweynaha Caasimada ayaa, durtadiiba laga Dareemayaa,sida Dadweynuhu u Xiiseeynayaan Noocyada Casriga ah ee ay usoo bandhigtey taas,oo kumanaan Dadweyne ahi kusoo qulqulayaan Maalinba Maalinta ka dambeysa.




Waxaad kala soo Xidhiidhi kartaa Xaafada Shacabka agagaarka Guriga Madaxweyne Kuxigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin



0 





