Aqoonyahan Maxamed Dhacsi Oo Usharaxan Golaha Wakiilada Somaliland

0
Monday August 12, 2019 - 16:29:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Maxamed Dhacsi Oo Usharaxan Golaha Wakiilada Somaliland

    Murrashax Maxamed Xuseen Qaalib (Maxamed-Dhacsi), oo in badan ka Shaqeynayay Arimaha Siyaasadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murrashax Maxamed Xuseen Qaalib (Maxamed-Dhacsi), oo in badan ka Shaqeynayay Arimaha Siyaasadda

ee Dhinaca Arimaha Dibadda khusuusana Somaliland Xukuumadeeda kala.shaqeeyay dalkana keenay Diblamaasiyiin fara baddan oo Dalka Jarmalka, Dalalka Midawga Yurub iyo Waddano kale oo Qaaradda Aasiya kamid Tahey usoo Galbiyay dhinaca Somaliland si ay Xog-ogaal uga Noqdaan Geedi socodkeeda iyo Doorka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ayaa hadda usoo biyaystey Weysada innuu kamid Noqdo Siyaasiyiinta Bisil ee Damacu ka hayo Ragga u Tartamaya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee lafilayo Wali in la Qaban doono.

 

Maxamed Dhacsi, oo Aqoon ahaan iyo Waayo Aragnimo ahaanba dhisan Waxa uu doonayaa islamarkaana, u xushey Wakhtigan in uu isku soo taaggo Doorashada Wakiilada si uu uga midha dhaliyo Hankiisa iyo himilada uu Muddo dheer daba taagnaa ee Dhinaca Xidhiidhka Diblamaasiyadda Dalalkaasi Aduunka ee aynu kor kusoo Xusney qeybna uga noqdo si uu Dalkiisa Somaliland ugu soo kordhiyo Mashaariic hurumarineed iyo Kaalinta ay ku baadi goobayso, in ay noqoto Dal madaxbanaan




AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...