Boobka Iyo Booligu, Bakhti Weeye Labaduba, Bukaan Weeye Cuduro, Ka Bartabogsonayn

0
Monday August 12, 2019 - 15:46:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boobka Iyo Booligu, Bakhti Weeye Labaduba, Bukaan Weeye Cuduro, Ka Bartabogsonayn

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

                         (CIID WANAAGSAN)

 

BOOBKA IYO BOOLIGU,BAKHTI WEEYE LABADUBA,

BUKAAN WEEYE CUDURO,KA BARTA BOGSONAYN,

BELAAYO WEEYE SHAYDAN,DADKA QAAR KU BEERO,

BEERKOODA JIIFTOO,BAANSHO IYO DABIIB MA LEH.

 

BELADA LAYSKA NAARIYO,BAASOO DHAN WEEYAN,

RUUXII BARINSADAY,BARAKO IYO KHAYR MALEH,

BOOGIYO SUN WEEYO,BOGSASHO AAN LAHAYNO,

BUSHARADEEDU NAARO,BAXSAN MAAYO AKHIRO.

 

BERYO DUUL KU NAAXO,ISBALAADHSHAY DHAAXAY,

BEENTI KA DABA TIMID,BARCIDLANA LAGAGA TEGAY,

BADBAADSHOW ALLAHAYO,BEDENKA NOOGA DHWRO,

BOQORKOOW ALLAHAYOOW,BOCADAAN KU NOOLAHAY.

 

BAY KU BAAHDAY WAAYAHAN,BUSAARADAANA SABABTE

BARWAAQEE ALLAHAYOOW,HANAW BAAHIN XAARAAN,

BADBAADIYOO KA NABADGELI,INTAAN WELI BELAYSNAYN,

BADQABTEE FAYOOWOO,ADIGAA BAAJIN KARAYEE.

                    ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...