Kenya Iyo Jabuuti Oo Ku Tartamaya Kursi Ka Tirsan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

0
Monday August 12, 2019 - 14:24:21 in News by
  • Visits: 1921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Iyo Jabuuti Oo Ku Tartamaya Kursi Ka Tirsan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

    Kenya Iyo Jabuuti Oo Ku Tartamaya Kursi Ka Tirsan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Iyo Jabuuti Oo Ku Tartamaya Kursi Ka Tirsan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay


Hargesa(HWN):-Dawlada Kenya iyo Jabuuti ayaa tartan ugu jira kursi ka mid noqonaya golaha amaanka ee  qaramada midoobay.
Natiijada sawirka jabuuti iyo kenya



labadan dal  ee ku yaala bariga qaarada Afrika ayaa tartan ugu jira sidii ay ugu guulaysan lahaayeen kursigan, kuwaas oo haatan dedaalo dheeraad ah galinaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen golaha amaanka.

 
Kursigan oo horyaalla dalalka Afrika, ayaa cidda kaliya ee hadda ku tartamaysa waxaa ay tahay Jabuuti iyo Kenya, balse labada dalka wuxuu midba midka kale ka codsanaya inuu tunaasul u muujiyo, wallow aysan jirin jawaabo nooca ah oo wali soo baxay.

Jabuuti iyo Kenya ayaa codsiga ku aaddan helista kursiga waxaa ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey iyo ururka Midowga Afrika,waxaana cidda ku mataleysa Afrika kursigaan la filayaa in bishan ay go’aamiyaan Midowga Afrika.

Kenya oo xoojinaysa sidii ay uga soo muuqan lahayn goobaha masiiriga ah ayaa la sheegay inay jiraan waxyaabo gaar ah oo ku riixaya, sida inay guul ugu soo dhaweyn karaan dacwada ka taalla maxkamadda caalamiga ah ee la xiriira biyaha ay Kenya sheeganayso ee xeebaha Soomaaliya.

Loading...
Loading...