Dawlada Ukraine Dareen Noocee Ah Ayey Ka Muujisay Socdaal Madaxweynaha Ruushku Ku Tagay Gacanka Crimea?

0
Monday August 12, 2019 - 14:20:50 in News by
  • Visits: 2202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Ukraine Dareen Noocee Ah Ayey Ka Muujisay Socdaal Madaxweynaha Ruushku Ku Tagay Gacanka Crimea?

    Dawlada Ukraine Dareen Noocee Ah Ayey Ka Muujisay Socdaal Madaxweynaha Ruushku Ku Tagay Gacanka Crimea?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Ukraine Dareen Noocee Ah Ayey Ka Muujisay Socdaal Madaxweynaha Ruushku Ku Tagay Gacanka Crimea?


Dowladda Ukraine ayaa waxa ay cabasho u gudbisay dowladda Ruushka kaddib markii Madaxweyne Vladimir Putin uu booqday dhulka la haysto ee gacanka Crimea si uu uga qeybgalo debaaldegga mootooyinka.

Russia's President Vladimir Putin greets participants of a bike show organized by motorcycling club


Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa booqashadii Sabtida waxa ay ku tilmaantay "mid xadgudub ula kac ah ku ah madaxbannaanida Ukraine".


Ukraine ayaa sheegtay in iskudayyada Moscow iyo goobjoogga warbaahinteeda ee booqashooyinka noocaas oo kale ah ay yihiin "wax laga yaqyaqsiyadoodo".


Crimea ayaa waxaa Ukraine laga qabsaday 2014, taas oo ay ka dhalatay mowjado wadaniyad jaceyl ah oo Ruushka ka soo ifbaxay.


Kooxdan loo yaqaan the Night Wolves, oo ah koox ay wadaniyaddu ku dheer tahay ee garabka midige ee mootoyahannada ayaa aad ugu dhaw Madaxweyne Putin, waxa ay taageero weyn u hayeen in Ruushku uu Crimea qabsado.


Sanadkan waxa ay bandhigga sanadguurada ku qabsadeen magaalada Sevastopol oo ah magaalada ugu weyn gacanka.


Mr Putin oo yimaaday goobta ayaa u muuqday marti sharaf iyadoo ay mootoyinkana ay ku soo xoomeen hogaamiya Ruushka, kuwaasi oo rajaynayay in ay sawiro la galan madaxweynaha.


Hasse yeeshee booqashadiisa ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sare u sii kacayso xasaradda ka taagn dalka uu hogaamiyo Mr Putin.


Ilaa iyo 60,000 oo qof ayaa isugu soo baxay waddoyinka magaala madaxda dalka Ruushka, kuwaasi oo sida la sheegay dhigay dibedbaxyo sharci darro ah, ayaa dalbanayay in doorashoyooinka dowladda hoose ee bisha September ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah.


Mudaaharaadayaasha qaarkood ayaa isku dayayay in gaaran dhismaha madxtooyada arrintaasi oo sababtay inay xabsiga loo taxaabo boqolaal qof oo ka mid ah dibedbaxayaasha.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...