Gumaystuhu Soomaali Ma Qayb-qaybin Ee Wuu Mideeyay

0
Monday August 12, 2019 - 11:04:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gumaystuhu Soomaali Ma Qayb-qaybin Ee Wuu Mideeyay

    Waxa jira dad ku dooda in gumaystuhu Soomaali qaybqaybiyey oo uu isagu magacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa jira dad ku dooda in gumaystuhu Soomaali qaybqaybiyey oo uu isagu magacyo u la ka kala baxay. Tusaale ahaan, British Somaliland, Somalia Italiana, Côte Française des Somalis, Northern Frontier District & Soomaali Ethiopia (Ogaden+Reserve Area).

 

Runtuna sidaa ma aha e, waa in Soomaali meel ay joogtayba gumaystaha ka hor ay u qaybsaneyd qabaa’il yaryar oo geela kala qaada, goobaha biyaha iyo daaqsinka leh na isku dila oo waxa ay wadaagaan ee ugu badani yahay kala guursiga haweenka, dhaqanka xoolo dhaqatada, Afka iyo diinta hadba markaa la haysto. Mar cawaan la wada ahaa iyo in dambe oo Islaamnimada Carab ganacsi doon ahi badda u ga soo tallaabisay.

 

Soomaali weligeed ma ay yeelan maamul dawli ah oo danteeda mideeya gumaystihii ka hor. Marka la ga tago saldanado reero leeyihiin oo tiro badan. Runtu waa in uu gumaystuhu Soomaali ururiyey oo uu dhul cabbir xadeed leh, dawladnimo iyo maamul siiyey. Tusaale ahaan, Somaliland kama jirin gumaystaha ka hor maamul iyo saldanad guud oo qabaa’ilka ka dhexaysay.

 

Garxajis, Awal, Habar-Toljecle, Arab, Samaroon, Ciise, Warsageli iyo Dhulbahante mid weliba saldanad u gaar ah ayuu lahaa. Dhammaantood, markiii uu gumaystuhu yimi heshiisyo gaar gaar ah oo goobo kala duwan ka dhacay ayuu la galay wakhtiyo kala dambeeyey. Sidaa si le’eg ayey meel walba; Soomaaliya, Jabuuti, Kiiniya & Itoobiya qabaa’il loo gu qaybsanaa.

 

Daarood baan maamul iyo saldanad toona ku midaysneyn oo birta iska aslayey, Isaaq baan ku midaysneyn, Hawiyaan ku midaysneyn oo aan weligii wax wada yeelan. Marka ay sidaa tahay miyaan la odhan karin Soomaalida gumaystaha ayaa mideeyey ee weligeedba waa ay qaybsaneyd?

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...