Ujeedada Kulan Uu Gudoomiye Ciro La Qaatay Xubnaha Xisbigiisa Ee Gobolka Awdal.

0
Monday August 12, 2019 - 10:17:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Uu Gudoomiye Ciro La Qaatay Xubnaha Xisbigiisa Ee Gobolka Awdal.

    Boorma (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorma (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee Somaliland - WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa habeenimadii xalay kulan muhim ahaa oo is xogwareysi ah la qaatay Maamulka Gobolka Awdal ee Xisbiga WADDANI.


Guddoomiyaha ayaa maamuus casho sharaf ah u sameeyey dhammaan xubnihii maamulka gobolka iyo degmo ee Gobolka Awdal isaga oo ku dardargeliyey sii laban-laabidda howlaha Xisbiga ee Gobolka Awdal iyo Salel, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dardaaray in laga shaqeeyo sidii gobolka Awdal iyo Salel ay u sii xejisan lahaayeen kaalintooda koowaad ee taageerada labada gobolka.



Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay maamulka iyo xubnaha kaleba sida hagar la'aanta ah ee ay uga howlgaleen howlaha xisbiga, isaga oo ku bogaadiyey sida ay u hirgeliyeen barnaamijka xubinimada xisbiga ee gobolka Awdal iyo Salel.





Waaxda War Faafinta Ee Xisbiga WADDANI

Boorama-Awdal


Loading...
Loading...