Xajarka Iyo Siraha Ku Xayndaaban. Qalinkii Axmed Cali Kaahin
Marka dhagax lagu wareego, la dhunkanayo, latuurayo, lagu tuurayo,
la
dhex ordaayo, la fananaayo, lagu joogo, loo tukanaayo, gawraca loo
jeedinayo.
Waa dhagaxii Farxada oo janada laga keenay, madawna muu ahayn,
dambiga dadkaa madoobeeyay, Sida kitaabka Ixyaaga uu ku xusay Imaamu
Qaasaali. Nabigu Naxariis iyo Amaani xaga sare ah. wuu dhunkaday xajarul
Aswadka.
Sida uu kaga dooday Al Uztaad Cali Tvga Alraxma. Dhagaxaanta siraha
iyo sababaha dabayaala gaar ahaan dhagaxa Madaw ee Xajarul Aswadka loo
yaqaano. Haddaan ku horayno isaga.
Cumarna Rabbi swt. Raali ha ka haado. wuu dhunkaday, wuxuuna yidhi
"haddii aanan arag Rasuulkoo ku dhunkanaya kumaan dhunkadeen waxaa tahay
dhagax dhib iyo dheef midna ma lihid."
Hadalkaasi oo Cali inbu Daalib Si kale u dhigay, isagoo xusay hadal
murtidiisu ahaa" Waa Markhaati Qiyaamaha Salaantiisu dawaafka la ama
dhunkashadiisu.iyo ula jeedsashada cibaada sida Salaada iyo Gawraca.
Halka Ibnu Cabaas Rabbi Swt. Raali haka ahaado dhamaantoode.
WuxuuYidhi Markii Rabbi Arwaaxda dadka oo dhan kulmiyay kuna yidhi Ma
ahay Rabbigiin? ku jawaabeen HAA dhaaam, Islaam iyo Gaalba, sida ku cad
quraanka.
Maalin aan maalin jirin oo aan cadceed soo bixin, oo dhicina, ama dayax iftiiminba.
Markhaatigaa adag ee Jawaabta Arwaaxda, waxa Rabbi swt. ku qabtay
dhagaxan, Caalamkaa la mooganaa ee maqnaa, waxaana loo soo dajiyay si
uu markhaatigaa ugu oo'go dadka dhamaantood ilma aadam guud ahaan.
Hada jawaabtaa hore dadkoo dhan baa laga qaaday, sida uu ku dooday
waxa lagu qabtay dhagaxan markhaati ahaan. Dooda Uztaad Cali oo
Ashariyaa qaba.
Markasta ood dawaafto ama dhunkato ama u tukato. waxaad si ficila ugu
dhawaaqaysaa balantii wali waan ku taagahay, ajiibsanahayna Kuwii
diidayna loo diwaan galiyay in balankii ka kabaxeen.
Dhagaxu qiyaamaha waa lasoo saarayaa, isagoo Carab iyo labba dabnood
leh. Sida Sunanka Ibnu Maaja kusoo aroortay. Cidii ajiibtay amarka
Rabbi swt. U marag furo kuwana ku furo maraga.
Cida rumaynta, kali ahaanta Rabbi. Swt. iska dhaga marisa aduunyada. Xujadana ku oogay
qiyaamaha.in balankii jabiyeen.
Dad Xajkay Dawaafaan, ama salaamayaan, ama tilmaamayaan, halkaasna
markhaatigu diwaanka loogu dhigayaa. ama si maalinle ah waajibaadkooda
ugu ekeeyaan xagiisa sida Salaada
Hooyadeen waa dhagaxaan yaryar oo ciida, guriga kala guurku waa
calooshiisa, isagaa laga soo biqlaayo. Isagaan ka nimid kunoqon doonaa
kana soo bixi doonaa.
Qisaska dhagaxaanta la xidhiidhaa waa bad balaadhan, oo dhinacyo
badan. Iyo adeegsi Rabaaniya, caqligeenuna kasi karin kaalina ku lahayn
sawirashadiisa, wixii loo bildhaamiyay ee waxyiga ah mooyaane.
Dhagaxantii Lagu garaacay sida gantaalaha, reer asxaa tii maroodiyada,
kii Nabi Muuse Csm. Marada kala cararay, kii Hasha, kii Nabiga Salaami
jiray Naxariis iyo Amaan Xaga sare ahi dushiisa ha ahaato.
Qaarbaa dhagaxaanta cabsida Rabbi Scw. awgeed butaaca biyo, wabiyada
haba, qaarna ka soo hoobtaan buuraha dushooda iyagoo shalwanaya
dagdagana ku gaadha gunta buuraha oo ah masaabiirta ku musbaaran arlada
dheeli tirankeeda.
Laydhku raadinta iyo baadigoobka dhagaxaanta waa ganacsi dad yar oo
gaari awoodaan gadashadeeda iyo gadisteeda. noocyo gaara oo qaaliya ah
sida Dheemanta, Dahabka, intii la baha.
Halka kuwa dareere xaalado gaara yihiin ubucda, muranada dunida iyo u
kala badinta adeegsiga, udub dhexaadna u ah is marinwaayo badan oo
dunida hadheeya, furdaamintoodana lagu raago miisaska waddaxaajooyada.
Dooduna tahay hanagu naaxinina, tayayntana kadaaya, iyo bacriminta
dhalan roga kharta laga saadaaliyo, ma aqbali karnee hakiya.
Dhagaxaanta kuwo dadka maalqabeenka ah uunbaa lulu'a iyo marjaanka manaafacaadsada. Halka dad badan maqalka ugu joogto.
Hadaba sirtu maaha dhagaxa iyo amarka in lagu wareego, balse in amraha
xagiisa loo jeesto oo layliyadani waxay xoojiyaan nafta in sifiican oo
fudud uga dhaansato Jacayka iyo waynaynta Rabbi swt.
Heshiiskuna waa Kii Naftiisa daahiriyay wuu liibaanay kii hoos u dhigana waa hoogay.
Naxariista Rabbi swt. iyo u noqoshadiisuna waa bilaa shuruud ilaa iila aad qooraan'sanayso ama qabtu dhacdo.
Taasoo eray kaliya oo waan Toobadkeenay Rabbi buugaagii inta la masaxo
laguugu badalayaa xumaantaadii wanaagyaal. Subxaaan. Aynu u dheerayno
Xaga Rabbi swt.
HA HILMAAMIN XUSKA RABBI.
Qalinkii Axmed Cali Kaahin.
Ahmedckahin@gmail
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...