Muuse Biixi Iyo Talada Dalka HANTIWADAAGA AADAN SIIRO IYOHANTIGOOSADKA WADAADADA (Qaybtii 78aad)
Taariikhiyan iyo sooyaalka dunida dadka Caamadda ah wey ku adkayd kala garashada
jidka leexsan iyo ka toosan WAA ayo qofka wadankan xaq ku leh oo halgan
usoo galay iyo qofka ka soo horjeeday imika laftigeedana dibindaabyo ku
haya.
Hantiwadaagu
waa dadka oo wax wada-yeesha iyo lacagta oo aan ku ururin dad yar
iyadoo intii kale baahan tahay kaabayaashii dhaqaaluhuna dayac yihiin,
dawladaha ugu qanisan dunidu Hantiwadaag Iyo Hantigoosadba waxay ka
siman yihiin Qiyamka ah in dadka la isku hayo oo aanay kala fogaan
Sh.
Aadan X.Maxamuud Xirsi "Aadan Siiro" Waa wadaadka Keliya ee u taagan in
bulshadu hesho hantiwadaag dhab ah waa aragti ka soo jeeda DIINTEENA
XANIIFKA AH oo u soo degtay sidii dadka loogu Cadaalad fali lahaa, Waa
aragtida uu kaga duwan yahay dad badan oo daneeya arimaha bulshada iyo
siyaasadda
Wadaadda
kale waxay qaateen HANTIGOOSADKA garabkiisa ugu fog ama loo yaqaan
"Hantigoosadka Bahaloobay” oo aaminsan qofna qof kale yaanu u
naxariisan, Xeelad waloo aad wax ku helayso samee , dawladda hadii
cashuurta laga dhuuman karto dhib kuma jirto , in Monopoly oo la
xuurtaysto ganacsiga iyo hantidda umaddu wada leedahay ……..
Wey kala duwan tahay inaad dadka ku WACDIYO WANAAG IYO INAAN WANAAG KAA ARKO
Habdhaqankaaga ayaa muujinaya aragtida aad nolosha ka aaminsantahay sidaad wax u wado
Soomaalidu
waxay tidhaa "Waano Dhalan Ayaa Ka Adag” Rag badan oo wadaadda ah kama
aha xumaan in ay bulshada ula dhaqmaan sidan oo kale LAAKIIN waa ka
dhalan iyo duruufo adag oo ay ku soo koreen oo aan xasuustooda ka bixin
RAGA qaarkood waa ka badheedh lagula kacaayo dadka iyo dalka
Waajibku
yuu saaran yahay ? waajibka ugu badan wuxuu saaran yahay Xukuumadda
markaa xilka haysa ama inta sheeganaysa indheergarad arimaha bulshada
danaysa
Inkaarta
Siyaasiga Somaliland u dhashay haystaa waa JAHLI xad-dhaaf ah oo ka
haysa Aqoonta Siyaasadda iyo Arimaha Bulshada waxaa u raacay dadka
qaarkood oo siyaasadda u soo gala hanti ka hel
Madaxweyne
Muuse Biixi waxa duuban khudbadihii Ololaha ku galay "Dhici mayso in
dadku kala fogaadaan…….. Dawladdu gacanta waxba uguma jiraan ,Koronto,
Baanan, Isgaadhsiin, Sarif ,Batrool,Raashinkii, tacliintii ,
caafimaadkii …. Wixiiba waxa sharkado gaar ah ayaa yeeshay dalna sidaa
kuma dhismo , Ubadkan qalqaaliga ah ee laga cabanaayo waxaa u xal ah in
dhaqaale loo helo Madheeri se xal noqon mayo” Hadaladaa soo dhan wuxuu
ku hadlaayay WADAADO GANACSATO AH, Muuse Waaqica yaal Somaliland waa ka
indheergarad iyo oday war ma seegana
Waxaase
u malaynayaa hadalka iyo fulintu wey kala adag yihiin weli waan ku rajo
weynahay in wax laga qaban karo baahiyaha bulshada haba yaraatee
EID MUBAARAK
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...