Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo SOHA iyo Aster Hospital ka mamnuucday abaabulka iyo gudbinta bukaanada dibadda

0
Saturday November 28, 2026 - 18:16:10 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo SOHA iyo Aster Hospital ka mamnuucday abaabulka iyo gudbinta bukaanada dibadda

    Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac,



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay ku joojisay hawlaha abaabulka, xayaysiinta iyo gudbinta bukaanada dalka dibaddiisa ee ay wadeen shirkadaha SOHA iyo Aster Hospital Referral.

 

Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, oo soo saaray wareegtada ayaa sheegay in labada shirkadood aanay haysan ruqsad ay ku qabtaan adeegyada gudbinta bukaanada dibadda.

 

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale caddeeyay inay mamnuuc tahay in bukaanada xaaladdooda caafimaad lagu daweyn karo gudaha dalka loo abaabulo inay dibadda u baxaan, iyadoo laga leeyahay dano dhaqaale ama ganacsi.


Loading...
Loading...