Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland oo kormeeray dhismaha goobaha nasashada hablaha ee Dugsiga Hoyga Oodweyne

0
Saturday November 28, 2026 - 18:12:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland oo kormeeray dhismaha goobaha nasashada hablaha ee Dugsiga Hoyga Oodweyne

    Goobahan ayaa loogu talagalay in gabdhaha wax ka barta dugsigu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobahan ayaa loogu talagalay in gabdhaha wax ka barta dugsigu


May be an image of one or more people


Hadhwanaagnews.com | Oodweyne | Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, agaasime-waaxeedyada wasaaradda iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Daad-madheedh ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Hoyga ah ee Oodweyne, halkaas oo ay indho-indheeyeen dhismaha goobaha nasashada hablaha oo hadda socda.


 

Goobahan ayaa loogu talagalay in gabdhaha wax ka barta dugsigu ay helaan deegaan ammaan ah, nadiif ah oo u gaar ah, kaas oo ay ku nastaan, kuna helaan adeegyo taageero iyo daryeel.

 

Dhismahan ayaa sidoo kale muhiim u ah kor u qaadista badbaadada, fayo-qabka iyo dhiirrigelinta gabdhaha, si ay si wanaagsan ugu sii wataan waxbarashadooda.

Loading...
Loading...