Maxakmada Sare ee Canada oo soo saartay Go aan saamaynaya Somalida
(Hadhwanaagnews.com) Sare ee Canada ayaa inta badan taageertay sharci ka dhaqan gala gobolka Quebec ee dalkaas, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay xirtaan astaamaha diimaha, oo ay ku jiraan iskutallaabta Masiixiga iyo xijaabka Muslimiinta.
Sharcigan muranka dhaliyay, oo loo yaqaan Bill 21, ayaa wajahaya caqabado sharci oo ay soo gudbiyeen haween Muslim ah, macallimiin Sikh iyo Maxiiiyiin ah, iyo kooxo kale oo dhowr ah. Waxay ku doodayaan in sharcigu xadgudub ku yahay xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Gobolka Quebec ee Canada ayaa sharcigan meel mariyay sanadkii 2019, isaga oo adeegsanaya qodob sharciyeed u oggolaanaya dowladda inay meesha ka saarto xuquuqo gaar ah, sida xorriyadda diinta.
Go'aankii Maxkamadda Sare ee Jimcihii ayaa ka mid ahaa go'aannadii ugu muhiimsanaa taariikhda Canada , wuxuuna saameyn weyn ku yeeshay dad badan oo ku nool gobolka Quebec iyo guud ahaan dalka.
Go'aanka kaddib, Ra'iisul Wasaaraha Canada , Mark Carney, ayaa warbaahinta dalka u sheegay in dowladdu ay qiimeyn doonto saameynta sharciga. Wuxuu intaas ku daray in sharci-dejiyeyaashu ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan xorriyadaha iyo xuquuqda dhammaan dadka reer Kanada, oo ay ku jiraan dadka laga tirada badan yahay.


0 





