Sheekh Cabdillaahi Baashe: Cafiska dilka iyo magta waa la oggol yahay, balse kufsiga lagama cafin karo
Sheekh Cabdillaahi Baashe ayaa sidoo kale sheegay in kufsigu leeyahay xukun
Hadhwanaagnews.com | Somaliland | Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdillaahi Baashe, ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya xukunka qofka dilka geysta iyo qofka kufsiga gaysta, isaga oo sheegay in Diinta Islaamku oggolaatay in qofka qof kale dila lagu fuliyo dil, laga cafiyo ama mag laga qaato.
Sheekh Cabdillaahi Baashe ayaa sidoo kale sheegay in kufsigu leeyahay xukun ka duwan, isaga oo tilmaamay in haddii gabadh la kufsado aan qofka falkaas geystay laga cafin karin, xitaa haddii gabadha iyo aabbaheed ay muujiyaan inay cafiyeen.
Loading...
Loading...


0 





