Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo kormeeray dhismaha Kawaanka Gawraca Xoolaha ee Boorama

0
Friday November 27, 2026 - 18:01:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 8
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo kormeeray dhismaha Kawaanka Gawraca Xoolaha ee Boorama

    Intii uu kormeerku socday, Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Awdal i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu kormeerku socday, Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Awdal i



Hadhwanaagnews.com | Boorama | Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar), oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha, ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

 

Wasiir-ku-xigeenka ayaa kormeeray Kawaanka Gawraca Xoolaha ee magaalada Boorama, halkaas oo ay ka socdaan hawlo dib-u-habayn iyo dhismeyaal cusub oo lagu kordhinayo kaabayaasha kawaanka.

 

Intii uu kormeerku socday, Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Awdal iyo shirkadda gacanta ku haysa dhismaha kawaanka ayaa Wasiir-ku-xigeenka warbixin ka siiyey heerka ay marayaan hawlaha dhismaha, qaybaha dib-u-habaynta lagu samaynayo iyo adeegyada cusub ee lagu soo kordhinayo.

 

Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeenku waxa uu bogaadiyey shaqada baaxadda leh ee ka socota kawaanka, isaga oo shirkadda fulinaysa dhismaha ku dhiirrigeliyey inay sii waddo dedaalka.

 

Waxa kale oo uu farriin u diray shirkadaha kale ee loo igmaday qandaraasyada dhismaha kawaanka, isaga oo kula dardaarmay inay shaqada ku dhammeeyaan muddadii loogu talo-galay, isla markaana ilaaliyaan tayada dhismaha.


Loading...
Loading...