Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo soo xidhay tababar ku saabsan ilaalinta dhaxal-dhaqameedka

0
Friday November 27, 2026 - 17:55:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 15
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo soo xidhay tababar ku saabsan ilaalinta dhaxal-dhaqameedka

    Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay'adda DT Global

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay'adda DT Global



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa soo xidhay tababar muddo afar maalmood ah socday, kaas oo ku saabsanaa dhisidda nidaamyo lagu ilaaliyo dhaxal-dhaqameedka Somaliland.

 

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda DT Global ayaa waxa ka qaybgalay xubno ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Matxafka Qaranka iyo hawlwadeennada kale ee ku shaqada leh ilaalinta dhaqanka.

 

Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay barteen aqoonsiga dhaxal-dhaqameedka la taaban karo iyo kan aan la taaban karin, hababka loo ilaaliyo iyo sidii aqoonta dhaqanka loogu gudbin lahaa jiilalka dambe.

 

Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay booqdeen haween farsamayaqaanno ah oo ku xeeldheer samaynta agabka dhaqanka, si ay aqoon dheeraad ah uga korodhsadaan xirfadaha hiddaha iyo dhaqanka.


Loading...
Loading...