Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo sheegay in Madaxweyne Cirro soo bandhigi doono qorshe ballaadhan oo biyaha dalka ah
Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in biyuhu ka mid yihiin mudnaanta koowaad ee Madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu dhawaan soo bandhigi doono qorshe ballaadhan oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha dalka oo dhan.
Wasiirka ayaa sheegay in la sameeyey daraasado lagu ogaaday goobaha ay biyuhu ku jiraan, kharashka ku baxaya soo saaristooda iyo qaabka loo hirgelin karo qorshayaasha lagu soo saarayo biyaha.
"Biyuhu muhiimadaha Madaxweynuhu ayay kow ka yihiin, dhawaanana waxa uu soo bandhigi doonaa qorshe weyn oo biyaha waddanka oo dhan ah. Waxaana jira daraasado laga sameeyey meelaha biyuhu ku jiraan, dhaqaalaha ku kacaya iyo sidii loo soo saari lahaa,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi.


0 





