Wasiirka Biyaha Somaliland oo sheegay in Oodwayne biyo macaan laga soo gaadhsiin doono Kabadheere

0
Friday November 27, 2026 - 17:44:46 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Biyaha Somaliland oo sheegay in Oodwayne biyo macaan laga soo gaadhsiin doono Kabadheere

    Waxa uu caddeeyey in qandaraaslaha ku guulaystay mashruucan lacagtiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu caddeeyey in qandaraaslaha ku guulaystay mashruucan lacagtiisa



Hadhwanaagnews.com | Oodwayne | Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik, ayaa sheegay in la dhammaystiray dhammaan tallaabooyinkii hordhaca u ahaa sidii magaalada Oodwayne loo gaadhsiin lahaa biyo macaan oo ku filan.

 

Wasiirka ayaa xusay in daraasado ay Wasaaraddu samaysay lagu ogaaday in meesha keliya ee biyo macaan oo ku filan Oodwayne laga soo jiidi karo ay tahay deegaanka Kabadheere, oo magaalada Oodwayne u jira 45 KM.

 

Waxa uu caddeeyey in qandaraaslaha ku guulaystay mashruucan lacagtiisa la siin doono oo keliya marka uu biyo soo saaro.

 

"Meesha biyo macaan oo ku filan Oodwayne looga keenayo, daraasaddii aanu samaynay waxay noqotay Kabadheere oo 45 KM u jirta. Meel walba waan istaagnay oo Burco iyo Oodwayne u dhaxaysa. Ninka qandaraaslaha ah biyo ayaa laga rabaa, marka uu biyo keeno ayuu leeyahay lacagtiisa,” ayuu yidhi Wasiirka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik.



Loading...
Loading...