Wasaaradda Gaadiidka Somaliland oo hay'adaha caalamiga ah uga digtay iibinta gaadiidka cashuur-dhaafka ku soo gala dalka

0
Friday November 27, 2026 - 17:42:54 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Gaadiidka Somaliland oo hay'adaha caalamiga ah uga digtay iibinta gaadiidka cashuur-dhaafka ku soo gala dalka

    Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada ee Wasaaradda, Muuse Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada ee Wasaaradda, Muuse Yuusuf



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hay’adaha caalamiga ah uga digtay inay amar la’aan iibiyaan ama xaraashaan gaadiidkooda duugoobay.

 

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada ee Wasaaradda, Muuse Yuusuf Ibraahim, ayaa sheegay inaan la iibin karin ama la xaraashi karin gaadiidka dalka ku soo gala cashuur-dhaafka, kuwaas oo ay isticmaalaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah iyo shirkadaha maalgashiga ku sameeya dalka.

 

Agaasime Muuse ayaa caddeeyey inay waajib tahay in Wasaaradda Gaadiidku samayso summad-tirtir (Deregistration) ka hor inta aan gaadiidkaas la iibin ama la xaraashin.

 

Waxa uu intaas ku daray in hay’adaha caalamiga ahi muddooyinkan dambe bilaabeen inay iibiyaan ama xaraashaan gaadiidkooda iyaga oo aan dukumentiyadooda la wadaagin Wasaaradda, taas oo uu ku tilmaamay sharci-darro.

 

Agaasimuhu waxa uu bulshada reer Somaliland uga digay inay iibsadaan ama xaraashaan gaadiid kasta oo aan soo marin Wasaaradda, ha ahaado mid cusub, mid duugoobay ama mid hawlgab ah.


Loading...
Loading...