Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo qaabilay wefti ka socda Hay'adda FAO

Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Aadan Jabaake, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda horumarinta ganacsiga kalluunka, kor u qaadista tayada wax-soo-saarka kalluumaysatada dalka iyo sidii khayraadka badda Somaliland loogu heli lahaa suuqyo caalami ah iyo kuwo goboleed.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda FAO, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha ganacsiga, fududaynta dhoofinta kalluunka iyo qabashada tababbarro lagu kobcinayo aqoonta iyo awoodda ganacsatada ka shaqaysa wax-soo-saarka badda.


0 





