Weerar hubaysan oo ka dhacay Saylac oo sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca saddex kale
Hadhwanaagnews.com | Saylac | Guddoomiyaha Gobolka Salal, Axmed Cabdilaahi Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ay xalay koox hubaysani ka geysatay maqaaxi ku taalla magaalada Saylac, kaas oo sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca saddex kale. Waxa uu sidoo kale sheegay in shan qof loo hayo eedaysane ahaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarku dhacay abbaaro siddeeddii habeenimo, xilligaas oo koox hubaysani weerartay maqaaxi ay dadku ka cuntaynayeen. Dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ahaa laba dumar ah iyo laba nin, halka saddex qof oo kalena ay dhaawacyo soo gaadheen.
"Waxa aan doonayaa in aanu bulshada Gobolka Salal iyo guud ahaan shacabka Somaliland u bayaaminno falkii argagixiso ee xalay ka dhacay magaalada Saylac. Abbaaro siddeeddii habeenimo ayay dablay hubaysani weerar ka geysteen maqaaxi laga cuntaynayey, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Waxa uu intaa ku daray in dhacdada Saylac ay barbar socotay rabshad kale oo xalay ka dhacday deegaanka Lowyacaddo, isaga oo xaqiijiyey in shan qof loo hayo eedaysane ahaan oo lala xidhiidhinayo weerarkii magaalada Saylac.


0 





