Taariikhda Xajka Iyo Cumrada. W/Q Rashiid Odowaa

0
Sunday August 11, 2019 - 15:19:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Xajka Iyo Cumrada. W/Q Rashiid Odowaa

    Xajku waa cibaado sanadle ah oo dadka muslimka ahi soo guttaan iyagoo booqanaya bogcadda ugu barakada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xajku waa cibaado sanadle ah oo dadka muslimka ahi soo guttaan iyagoo booqanaya bogcadda ugu barakada
badan dunida aynu ku noolnahay iyo Guriga ilaahay ee kabcada Makkah,waa waajib saran qof kasta oo muslim ah,qaan gaadh ah,isla markaana awoodi kara,

Xajku wuxu ka soo bilaabmay wakhtigii Nabi Ibraahim Calayhi Salaam,wakhti uu nabi ibraahim uu amarka allah ku yimi makka oo ahayd meel aan cidi deganayn,isla markaana Oomane,saxaara ah,haddana amar ayaa ilaahay kaga yimid inuu halkaas xaaskiisi Hajira kaga tago iyo Inankiisi Ismaciil,iyadoo wax cunto ahna aanay haysan marka laga reebo in yaroo Timir ah.hajira waxay waydiisay Ibrahim miyaad naga tagaysaa,ma ilahay ayaa kugu amray inaad naga tagto?haa ayuu ku jawaabay,ka dib hajira waxay tidhi ilahay na dayici mayo kol hadday sidaas tahay.



Haajira waxay orodday toddoba jeer labada buurood ee Safa iyo marwa,iyada oo cid ka jeedalinaysa ama biyo raadinaysa,ka dib waxay ku soo noqotay iyadoo quus ah,halkii uu jiifay Ilmaheedii yaraa waa Nabi ismaciil,waxay aragtay isagoo cidhbaha dhulka la dhacaya,oo halkii uu cidhibta la dhacayay ay ka soo boodeen biyo cirka u duulaya sida qasabad jabtay oo kale ama (Fountain),halkaas oo loo bixiyay isha biyaha ZAM-ZAMKA.


Wixii wakhtigaas ka danbeeyay,qabaailkii carbeed ayaa soo degay,meeshina waxay noqotay deegaan rasmi ah,oo biyo leh,sidaas ayay ku dhisantay magaalada Makka,Nabi ismaciil wuxu ka guursaday dadkii soo degay makkah,Nabi Ibrahim iyo nabi simaciil ayaa markaas dhigay Seeskii ugu horreeyay ee Kabcada sida uu innoo caddeeyay Quranka kariimka ahi,intas ka dib koonaha bari ee kabcada,ayay dhigeen dhagaxa madow(Xajru Al-aswad) oo taariikhdiisu ku xidhiidhsantahay ilaa Nabi Aadam,ka dib ilahay Korreeye wuxu ku amray Nabi Ibrahim inuu dadka ugu (Eedaamo) oo uu ogaysiyo inay u soo Qasdiyaan Guriga ilahay,sidaas ayuu nabi ibraahim intuu buurta fuulay ugu dhawaaqay,afarta jihoba,waxana la sheegaa in dhawaaqaas Ibraahim uu gaadhay jiho kastaba dadkii ka xigay.


ISLAMKA KA HOR

Waxa iska macruufa in dadka marka muddo la joogaba,uu inxiraaf ama leexasho ku dhacdo oo ay diinta qalloociyaan,haddaba nabi Ibrahim ka dib dadku waxay samaysteen Asnaam,ka samaysan dhagxan,qoryo,iyo dhismayaal oo magacyo kala duwan ula baxeen ayna caabudi jireen,hase ahaatee waxa la isla ogolaa inay makka tahay,meesha dhexda u ah cibaadada,waxana jirtay inay dadku soo booqan jireen,oo ku dawafi jireen kabcada,qaarkood iyagoo qaawan ayay ku wareegi jireen kabcada, qaarkood aamusnaan ayay ku mari jireen,qabiilka qurayshta ayaa iyagu waxay ahaayeen dadka gacanta ku haya kabcada ee u adeega dadka imanaya.


WAKHTIGII ISLAAMKA

Markii Nabi muxamed soo baxay SCW,jihad iyo dagaallo adag oo dhex maray Nabi muxamad NNKH iyo asxaabtii raacday iyo Gaaladii quraysheed,markii laga guulaystay gaaladii ka dib, ayaa gabi ahaanba uu ka tir tiray,caadooyinkaa xun xun asnaamtii waa la bur-buriyay,waana laga sifeeyay makka iyo hareereheeda wax kasta oo shirki ah,waxa uu nabi muxamad umadda u iftiimaiyay in la caabudo Ilahay keliya Subxaanahu wa tacaala,waxa uuna u tilmaamay inuu yahay xajku tiir ka mid ah tiirarka ugu waawayn ee Islaamka,qof kasta oo awoodi kara dhaqaale ahaan iyo awood ahanba,shanta tiir ee islamka oo kala ah 1-In la qiro in aanu jirin ilaah xaq lagu caabudo ilahay mooyaane 2-in shanta salaadood la oogo 3-in la soomo bisha ramadaan,4-in sakada la bixiyo iyo 5-in qofka ay waajib ku tahay inuu kabcada soo siyaarto noloshiisa mar ka mid ah qofkii ka badsanaya waa khayr isaga u yaalla,waxa kaloo sunne loogu ogolyahay inuu qofku cumraysan karo inta uu doono.


Sannadkii sagaallad ee Hijrada ayuu nabi muxamed (SCW)banka Arrafa ugu qudbadeeyay,dad aad u tiro badan oo 120,000 oo qof gaadhaya,halkaas oo Nabi muxamed NNKH,dardaaran badan u jeediyay dadkii muslimka ahaa,una faray inay u gudbiyaan dadyowga kale ee dunida ku nool intay ka gaadhi karaan qof kastaaba,wuxu nabi muxamad u sheegay dadkii muslimiinta ahaa in maanta diintoodii loo dhamystiray,inuu xaaraam yahay inay dhiigooda daadiyaan,inay is dhacaan, dar daaran aad u qiimo badan ayuu nabigenu SCW maalintaas u jeediyay,waxana lagu magacaabaa "Xaju wadaac” ama xajkii sagootinta khulafadii rasuulka sida Abii bakar,Cumar,osman iyo Cali ayaa howshii xajka iyo fidinta diinta islaamka halkii ka sii amba qaaday ilahay raalli ha ka noqdo dhamaantood,Makka waxay noqottay meel sanad kasta wakhtigan oo lale loo soo xajo.


WAAYADII DHEXE IYO XAJKA

Waayadii dhexe dadku waxay iskugu soo ururi jireen,waddamada Masar,Suuriya iyo iraaq,si loogu soo anba baxo xajka,halkaas ayaana socodka geediga laga soo bilaabi jiray iyadoo dadku waxay gaadiid haystaan soo kaxaysan jiray iyagoo kumanaan ah,madaxda duwalka muslimka ah ayaa qaban qaabin jiray safaradaas,oo fududayn jiray socdaalkaas oo dabcan duruufihiisa lahaa,dowladiis cabaasiyiinta xiiliyadii Haaruun Al- rasheed ayaa dhistay waddao 900 mile ah oo isku xidha Iraq,Madina iyo Makka si ay fududaato isu socodka xajku waxana loo bixiyay "Jidka Subayda” oo loogu magac daray marwadii haaruun al rashiid,waxay ka samaysay jidka dhinacyadiisa meelo biyaha laga cabbo iyo meelo lagu cunteeyo,waxanay dhowr goor xajka yimadeen Haruun iyo subayda iyagoo hor kacaya dad aad u badan,una adegaya dadka soo xajaya.


Aqoonyahano muslimiin ah  ayaa iyaguna ka soo xajay waddamada Spain,Morocco iyo baqdad kuwaas oo faah faahin dheerad ah ka bixiyay,qaabka loo xajayo waxa ka mid ahaa  Nasir Khusrov,ibnu jubair iyo Ibnu battuta,kuwaas oo wax badan ka qayb qaattay xaaladda juquraafi,sida wadooyinka iyo jihooyinka una habeeyay dadkii inay magaalooyin  isugu ururaan si halkaas looga sii kexeeyo oo lagu hago makka.

 

XUDUUDAHA XAJKA LAGA SOO XIDHO

Xajku wuxu leeyahay wakhti la xidho oo ah bisha shuwaal,bisha dul qicda iyo sagaalka maalmood ee ugu horreeya bisha dul xijja,waa wakhtiyada la xidhan karo xagga dhulka xuduud laga soo xidho ayuu leeyahay xajku,waxa uu rasuulku (NNKH) innoo jideeyay meelo cayiman ama xuduud laga soo xidhankaro xajka waxa kamid ah,dadka ka imanaya dhinaca Madina iyo wixii ka shisheeya waxay xajka ka soo xidhan karaan Dul-xudayfa oo wakhtigan la joogo Madina ka mid ah waxay u jirtaa xajka ama makka qiyaastii 450km,dadka ka imanya dhinaca Shaam iyo masar ama afrikada woqooyi waxay ka soo xidhan karaan meesha loo yaqaan Juxfa waxay u jirtaa Masjidka Xaramka 183km,dhinaca bariga kabcada dadka ka imanaya waxay ka soo xidhan karaan Qarnu-al manaasil waa meesha ugu dhow Xaramka waxayna u jirtaa 75km,dadka ka tagaya xagga yemen oo macaal inaga Somalidu ku jirto waxay ka xidhanayan Xajka meesha loo yaqaan Yalam-lam waxay u jirtaa Xaramka 92km.habka xajka loo gudanayo waxay leedahay axkaam si la mid ah cibadoyinka kale.

 

WAKHTIGA CASRIGA AH

Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa dhisatay wadada (Hijaz railway) waddo tareen oo isku xidha dimishiq,ammaan,tabuk,medina iyo makkah  taariikhdu markay ahayd 1914kii horrantii qarniga 20aad wakhtigas oo xukunka hayay Abdul Hamid II,taas oo wax badan ka tartay sidii loo iman lahaa xajka


Sida muuqatta,wakhtigan csriga ah xukuumadda Sucuudi Arabia,wax badan oo horumar ah ayay ka samaysay habka xajka loo soo gudanayo,taas oo la jaan qaadaysa casriga technolojiyaddu ay halkii ugu sarraysay gaadhay,meelo badan ayaa dib u habayn lagu sameeyay,oo barigii hore dadku ku dhiman jireen marka ay cidhiidhi noqotto,gaadiidka casriga ah ayaa lagu soo safraa imika oo u badan Diyaarado,waxa ugu danbaysay Gadiidka Awrta oo lagu yimaaddo Xajka 1950kii,imika qiyaastii waxa xajka soo gutta dad gaadhaya 2,000,000 oo qof sanad kasta xilligan oo kale oo ah Ciidda Al –Udxa ilahay, ha inaga aqbalo camalka suubban.

Ciid mubaarak

Rashiid  Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...