Diyaarad Milatari oo ay saarnaayeen Shaqaale dad Rayid oo la layahay.

0
Tuesday November 24, 2026 - 13:40:46 in News by Maxamed Koranto
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Milatari oo ay saarnaayeen Shaqaale dad Rayid oo la layahay.

    Milatariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa sheegay inuu weli baadi-goobayo diyaarad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milatariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa sheegay inuu weli baadi-goobayo diyaarad

Milatariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa sheegay inuu weli baadi-goobayo diyaarad xamuul oo milatari, kaddib markii ay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen, halka kooxaha mucaaradka hubaysan ee FRN ay sheegeen inay soo rideen diyaarad ay leedahay dowladda.

Milatarigu wuxuu sheegay in diyaaradda nooca Cessna 208 ay Axaddii ku maqneyd duulimaad u dhexeeyay magaalooyinka Beni iyo Kalemie, isla markaana xiriirkii la waayay sababo la xiriira cimilo xumo. Wuxuu intaas ku daray in aan weli la helin diyaaradda iyo shaqaalihii la socday.

Dhanka kale, kooxda FRN ayaa sheegatay inay weerartay diyaarad milatari oo dowladda leedahay, meel u dhow deegaanka Minembwe ee gobolka Kivu Koonfureed.

Si kastaba, milatariga Congo ma uusan xaqiijin in diyaaradda la la’yahay ay tahay tii ay kooxdu sheegatay inay soo ridday.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha FRN ay sii xoogeysanayaan bariga dalkaas.

BBC Somali


Loading...
Loading...