Wasaaradda Dawladaha Hoose oo Hargeysa ku soo gabagabaysay tababarrada wacyigelinta Mashruuca BULSHO
Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku soo gabagabaysay tababarrada wacyigelinta degmooyinka ee Mashruuca BULSHO, kaas oo uu maalgeliyo Baanka Adduunka (World Bank), isla markaana muddooyinkii u dambeeyey laga fulinayey dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Tababarradan ayaa ujeeddadoodu ahayd in degmooyinka dalka la gaadhsiiyo xogta, fahamka iyo wacyigelinta ku saabsan Mashruuca BULSHO, si kor loogu qaado ka qaybgalka bulshada, loo xoojiyo awoodda maamul ee degmooyinka, loona fahamsiiyo ujeeddooyinka, habraacyada iyo doorka degmooyinka ee hirgelinta mashruuca.
Tababarrada ayaa lagu soo gebagabeeyey magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin, hawlwadeennada mashruuca iyo wakiillo ka kala socday degmooyinka dalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya hirgelinta mashruuca iyo gaadhsiinta bulshada qorshayaashiisa.


0 





