Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka jawaabay hadallada Xasan Sheekh ee Somaliland iyo Imaaraadka
Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Magaalo, ayaa dhaliilay hadallada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee la xidhiidha Somaliland iyo Imaaraadka, isaga oo sheegay inaanay habboonayn in Somaliland lala barbar dhigo Soomaaliya.
"Nin aan xukumin 10km inuu Somaliland isku dhereriyo, waxay ila tahay inuu xishoodo,” ayuu yidhi Cabdirashiid Magaalo.
Wasiiru-dawluhu waxa uu ku dooday in madaxda Somaliland ay si nabad ah ugu dhex safri karaan magaalooyinka dalka, isaga oo sidoo kale su’aal geliyey xaaladda amni ee Soomaaliya.
Cabdirashiid Magaalo ayaa hadalkan ka jeediyey Shirweynaha Qaran ee Cilmi-baadhista Hay’adaha Dawladda, isaga oo sidoo kale bogaadiyey muhiimadda ay cilmi-baadhistu u leedahay horumarka dalalka.


0 





