Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay inuu qabtay saddex gantaal oo Xuutiyiintu ku soo rideen Riyaad
Hadhwanaagnews.com | Riyaad, Sacuudi Carabiya | Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya, ee taageera xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, ayaa sheegay inay qabteen saddex gantaal oo riddada dheer ah oo kooxda Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen dhanka magaalada Riyaad, kadib markii caasimadda laga maqlay digniino degdeg ah.
Weerarkan oo dhacay subaxnimadii hore ee Sabtidii ayaa yimid laba maalmood kadib markii weerar ay Xuutiyiintu fuliyeen uu waxyeello u geystay dhismaha Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha (Public Investment Fund), oo ah dhisme dabaqyo dhaadheer leh oo ku yaalla magaalada Riyaad, isla markaana xarun u ah sanduuqa maalgashiga qaranka Sacuudiga.
Waxay ahayd maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ee Sacuudi Carabiya ay soo saarto digniino degdeg ah oo ku saabsan weerarro lagu beegsanayo magaalada Riyaad, kuwaas oo markii dambe si degdeg ah loo qaaday.
Saacado kadib, isbahaysiga ayaa sheegay inay burburiyeen diyaarad kale oo aan duuliye lahayn, taas oo Xuutiyiintu ku soo rideen dhanka koonfurta boqortooyada.
Dhanka kale, Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa muddo 24 saacadood gudahood ah soo saartay siddeed digniin oo degdeg ah oo loogu talagalay dadweynaha.


0 





