Trump oo sheegay in Maraykanku ka hortagi doono haddii Iran isku daydo inay samaysato bam wasakhaysan
Hadhwanaagnews.com | Washington, Maraykanka | Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Iran ay samaysanayso hubka loo yaqaan "Dirty Bomb”, balse haddii ay dhab ahaantii isku dayayso inay dhisto, Maraykanku uu ogaan doono isla markaana ka hortagi doono.
Madaxweyne Trump oo Jimcihii shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sidaas kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey warbixinno sirdoon oo tilmaamaya suuragalnimada in Iran ay bam noocaas ah u adeegsan karto weerar ka dhan ah magaalada Washington.
Trump ayaa yidhi: "Wax badan ayaan ka ognahay waxa ka socda Iran. Waan ognahay wax kasta oo ay sheegayaan, cidda ay yihiin iyo meelaha ay joogaan. Arrintan waan ogaan doonnaa, mana oggolaan doonno inay dhacdo.”
Warbaahinta CNN ayaa hore u baahisay warbixin sheegaysa in xogaha sirdoonka ee hay’adaha amniga Maraykanku ay muujinayaan suuragalnimada in Iran ay isku dayayso inay samaysato bam wasakhaysan oo ay ku weerarto magaalada Washington.


0 





