Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo agab ciyaareed ku wareejiyey maamulka ciyaaraha Gobolka Hawd
Hadhwanaagnews.com | Gobolka Hawd | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Mudane Khader Nuur Cabdi (Buubaal), ayaa agab ciyaareed ku wareejiyey Xoghayaha Gobolka Hawd iyo Isuduwaha Ciyaaraha ee gobolka.
Wareejinta agabkan ciyaareed ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhallinyarada, si loo xoojiyo ka qaybgalka ciyaaraha, korna loogu qaado tayada iyo horumarka ciyaaraha ee Gobolka Hawd.
Agaasimaha Guud ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay taageerada ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhallinyarada, isaga oo tilmaamay in ciyaaruhu door muhiim ah ka qaataan dhismaha bulsho caafimaad qabta, midaysan, isla markaana leh wadajir iyo is-dhexgal.
Dhankooda, Xoghayaha Gobolka Hawd iyo Isuduwaha Ciyaaraha ayaa Agaasimaha Guud uga mahadceliyey agabka ciyaareed ee uu ku wareejiyey, iyaga oo xusay in agabkani kaalin muhiim ah ka qaadan doono horumarinta hawlaha ciyaaraha ee gobolka.


0 





