Maareeyaha Hay'adda Dekedaha Somaliland oo ka qaybgalay Madasha Dhaqaalaha Afrika iyo Israa'iil
Hadhwanaagnews.com | Tel Aviv, Israa’iil | Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Cali Diiriye Axmed, ayaa ka qaybgalay Madasha Dhaqaalaha Afrika iyo Israa’iil oo lagu qabtay magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil.
Madashan oo lagu qabtay xarunta Yitzhak Rabin Center ayaa waxa ka qaybgalay wakiillo iyo madax ka kala socday dalal badan oo qaaradda Afrika ah, iyadoo Somaliland uu ku metelayey Maareeyaha Hay’adda Dekedaha, Cali Diiriye Axmed.
Somaliland ayaa markii ugu horraysay qayb ka noqotay madashan, taas oo fursad u noqon karta ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga badda, saadka iyo maalgashiga.
Hay’adda Dekedaha Somaliland ayaa madasha ku soo bandhigtay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Dekedda Berbera, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed, una dhow marinka laga galo Badda Cas, isla markaana isku xidha suuqyada ganacsi ee Geeska Afrika.
Waxa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay kaabayaasha casriga ah ee Dekedda Berbera, Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (BEZ) iyo marinka isku xidha Itoobiya, kuwaas oo Dekedda Berbera siinaya door muhiim ah oo ku aaddan isku xidhka ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha gobolka.


0 





