Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay inuu qabtay laba gantaal iyo shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn
Hadhwanaagnews.com | Sacuudi Carabiya | Ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay qabteen laba gantaal oo ballistic ah iyo shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo la sheegay inay bartilmaameedsanayeen goobo kala duwan oo ka tirsan Sacuudi Carabiya, kadib markii ay soo rideen kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.
Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa qoraal uu Axaddii subaxnimadii ku baahiyey barta X ku sheegay in difaaca cirka Sacuudigu uu qabtay oo burburiyey laba gantaal oo ballistic ah oo kooxda Xuutiyiintu ku soo rideen magaalada Riyadh.
Al-Maliki ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada isbahaysigu ay soo rideen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu qabtay gobolka Bari ee Sacuudi Carabiya.
Horraantii Sabtidii, al-Maliki wuxuu sheegay in laba diyaaradood oo looga shakiyey inay Xuutiyiintu leeyihiin lagu qabtay laguna burburiyey magaalada Riyadh iyo gobollada koonfureed ee dalka.
Ugu yaraan 26 qof ayaa lagu dilay weerarro ay Xuutiyiintu fuliyeen iyo gantaallo ku dhacay Sacuudi Carabiya tan iyo 23-kii Sebtembar, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta boqortooyada.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah u bartilmaameedsatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, dhuumaha shidaalka ee isku xidha bariga iyo galbeedka dalka iyo kaabayaasha saliidda ee ku yaalla bariga iyo koonfurta Sacuudi Carabiya.


0 





