Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Si Adag Uga Digay Xidhitaanka Dhulka Daaqsimeedka

0
Thursday November 12, 2026 - 20:52:03 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Si Adag Uga Digay Xidhitaanka Dhulka Daaqsimeedka

    Wasiirku waxa uu xusay in seeruhu yeesho ujeeddo wax-soo-saar oo cad,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku waxa uu xusay in seeruhu yeesho ujeeddo wax-soo-saar oo cad,



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa si adag uga hadlay xidhitaanka seerayaasha iyo dhulka daaqsimeedka, isaga oo sheegay in dhulka daaqsimeedku yahay hanti bulsho oo aanay cid gaar ahi xaq u lahayn inay iska xidho.

 

Wasiirku waxa uu xusay in seeruhu yeesho ujeeddo wax-soo-saar oo cad, isla markaana uu noqdo dhul laga filayo wax-soo-saar, isaga oo sheegay in meel si iska ah loo xidhay aan loo aqoonsan karin seero.

 

"Xidhitaanka seerayaashu waa dhibaato weyn oo ina haysata, dhul daaqsimeedku bulshada ayuu ka dhexeeyaa, seerana cidna iskama xidhan karto.

 

Seeruhu waa inuu yeeshaa ujeeddo cad oo wax-soo-saar leh; meel si iska ah loo xidhay seero ma noqon karto,” ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.


Loading...
Loading...