Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Kormeeray Xabsiga Mandheera
Kormeerkan ayaa qayb ka ah socdaal shaqo oo Xeer-ilaaliyaha Guud
Hadhwanaagnews.com | Mandheera | Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mawliid Cabdi Muuse Maax, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ku-xigeennadiisa xarunta dhexe, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xabsiga Mandheera.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah socdaal shaqo oo Xeer-ilaaliyaha Guud ku marayey gobollada iyo degmooyinka dalka, kaas oo ujeeddadiisu tahay la socodka hawlaha iyo xaaladaha hay'adaha cadaaladda.
Intii uu kormeerku socday, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa u kuurgalay xaaladda maxaabiista ku xidhan xabsiga, isaga oo mid mid u waraystay maxaabiista si uu xog uga helo xaaladdooda iyo duruufaha ay ku sugan yihiin.
Loading...
Loading...


0 





