Baabuurta Muddo Dheer Yaallay Agagaarka Hotel Guuleed iyo Masaajidka Faadumo oo La Qaadayo

0
Thursday November 12, 2026 - 20:43:13 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baabuurta Muddo Dheer Yaallay Agagaarka Hotel Guuleed iyo Masaajidka Faadumo oo La Qaadayo

    "Waddada Masaajid Faadumo ilaa Hotel Guuleed baabuurta taalla w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waddada Masaajid Faadumo ilaa Hotel Guuleed baabuurta taalla w



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Hoggaanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Cige Cidheere, ayaa shacabka Hargeysa ku wargeliyey in la qaadayo baabuurta muddo dheer yaallay waddada u dhexaysa Hotel Guuleed iyo Masaajidka Faadumo.

 

Taliye Cidheere ayaa sheegay in tallaabadan ay fulinayaan kadib baaq uga yimid Maayirka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, isaga oo xusay in gaadhi kasta oo halkaasi laga qaado la geyn doono goobaha lagu kaydiyo baabuurta.

 

"Waddada Masaajid Faadumo ilaa Hotel Guuleed baabuurta taalla waa la qaadayaa, waana amarka Maayirka Caasimadda Hargeysa. Gaadhi kasta oo halkaas laga qaado waxa la geynayaa Hallayo ama Makhaadi inanta,” ayuu yidhi.

 

Waxa kale oo uu mulkiilayaasha baabuurtoodu ku xanniban yihiin geerashyada xerada Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ugu baaqay inay kala baxaan gaadiidkooda.


Loading...
Loading...