Isku Daygii Xil-ka-qaadista Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth oo Fashilmay
Washington (Hadhwanaagnews) – Isku day lagu doonayay in xilka looga qaado Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, oo lagu eedeeyey inuu bilaabay dagaalka ka dhanka ah Iiraan isaga oo aan oggolaansho ka haysan Kongareeska, ayaa ku fashilmay Golaha Wakiillada Maraykanka.
Aqlabiyadda xubnaha Golaha Wakiillada ayaa isku raacay in qodobadii xil-ka-qaadista loo gudbiyo guddi baadhitaan, tallaabadaas oo si dhab ah u soo afjartay dadaalkii uu hormuudka ka ahaa xildhibaanka Jamhuuriga ah ee Thomas Massie, oo laga soo doorto gobolka Kentucky, isla markaana mucaarad ku ah qaar ka mid ah siyaasadaha xisbigiisa.
Hegseth ayaa intii uu ku guda jiray shirkiisii ugu horreeyey ee warbaahinta ee muddo lix bilood ah, kaas oo ka dhacay xarunta Pentagon-ka, dadaalka xil-ka-qaadista ku tilmaamay mid "aan sal iyo raad lahayn” iyo "isku day lagu carqaladaynayo shaqada dowladda”.
Isku dayga lagu doonayay in Xoghayaha Difaaca lagu helo anshax-xumo, taas oo ugu dambayn horseedi lahayd xil-ka-qaadistiisa, ayaa markii horeba loo arkayey mid aan lahayn fursad badan oo uu ku guulaysto.
Sababta ayaa ahayd in tallaabadaasi u baahnayd in tiro ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga ay ka horyimaaddaan Madaxweyne Donald Trump iyo xukuumaddiisa.
Thomas Massie ayaa noqday xildhibaanka keliya ee Jamhuuriga ah ee diiday in qaraarka xil-ka-qaadista loo gudbiyo Guddiga Garsoorka ee Golaha Wakiillada, oo uu hoggaamiyo xisbiga Jamhuuriga, intii lagu jiray codbixintii Talaadada.
Fashilka dadaalkan ayaa meesha ka saaray isku daygii ugu dambeeyey ee lagu doonayey in xilka looga qaado Hegseth, iyadoo doodda ku saabsan awoodda Madaxweynaha Maraykanka ee bilaabista hawlgallada milatari iyada oo aan oggolaansho hore laga helin Kongareeska ay weli tahay arrin siyaasadeed oo muran dhalinaysa.


0 





